Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Galmudug oo soo dhaweeyay Shirkii Istanbul dhawaan lagu soo gabagabeeyay

$
0
0

image: 

5,June,2012 (Gaalkacyo-hobyonet)Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Galmudug ee dhaqan Magaalada Gaalakcyo ayaa soo dhaweeyay Shirkii Odayaasah Dhaqanka iyo Qaybaha Bulshada loogu soo gabagabeeyay Magaalaada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Galmudug oo fikirkooda ka dhiibanayay sid ay u arkaan Shirkii Istanbul ku soo idlaaday waxa ay sheegeen in qodobo muhiim ah ay ka soo baxeen islamarkaana ay soomaaliya cagta saartay Wadadii Hormarka.
Bashiir Aadan xasan oo ka mid ah Waxgaradka Galmudug ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga howsha wanaagsan ee ay ka qabatay Magaalada Muqdisho iyo Shirka ay u qabatay Dhinacyada Soomaalida ,wuxuuna tiilmaamay hadii la fuliyo qodobadii laga soo saaray Shirkii Istanbul ay Umadda Soomaaliyeed ka bixi doonto dhibaatada ay ku jirto 21 sano.
Dhianaca kale Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Galmudug oo la hadlay Shabakadda Hobyonet ayaa ugu baaqay Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed ee ku shirsan Magaalada Muqdisho inay xil wayn iska saaraan sidii ay u soo xuli lahaayen Ergo Wadaniyiin ah oo Umadda Soomaaliyeed u horseedda inay helaan Dastuur ku salaysan Diinta Islmaaka iyo Xildhibaano Daacad u ah Qaranka Soomaaliyeed.
Dhawaan ayey ahayd markii Magaalada Istanbul lagu soo gabagabeeyay Shirar ay Dowladda Turkigu u qabtay Odaayaasha Dhaqanka,Qaybaha Bulshada,Maamuladda dalka ka jira iyo Dowladda Soomaaliya waxaana shirarkaas ka soo baxay Qodobo muhiim u ah hadii ay dhaqan galaan Umadda Soomaaliyeed.
Www.hobyonet.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>