


Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay si kedis ah ay kula
wareegeen gacan ku heynta Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kadib
markii Magaalada Ceelbuur ay si filan-waa ah ay uga baxeyn Ciidamadda
Dowladda Itoobiya iyo Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Dowladda Itoobiya ayaa waxay Magaalada Ceelbuur ay uga
taggeen saameyn gaar ah, iyadoo Xarakada Al Shabaab ay bilowday inay
nadiifiso goobihii Magaalada Ceelbuur ay kaga sugnaayeen Ciidamadda
Dowladda Itoobiya.
Xarakada Al Shabaab oo shacabka kula hadashay Magaalada Ceelbuur ayaa
waxay ku amartay inay keenaan dhalinyaro, kuwaa oo loo-tababaraayo inay
difaacaan gacan ku heynta Magaalada Ceelbuur, haddii ayba dhacdo inay
soo weeraraan dhinacyada kale ee ka soo horjeeda Xarakada Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa waxay Magaalada Ceelbuur ay shalay ku dishay laba nin oo
dhalinyaro ah, kadib markii ay ku eedeysay inay la-macaamileen
Ciidamadda Dowladda Itoobiya iyo Ciidamadda Ahlu Sunna, markii ay
jooggeen Magaalada Ceelbuur.
Xabsiyada ku yaalla Magaalada Ceelbuur ayaa waxaa xilligaan ku xiran
ilaa shan nin oo dukaamo ku leh Magaalada Ceelbuur, kadib markii
Xarakada Al Shabaab ay ku eedeysay inay wax ka iibinayeen Ciidamadda
Ahlu Sunna iyo kuwa Itoobiya.