Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Kooxda Ahlu sunnah oo dhacay wixii agab ahaa oo eey ku arkeen degaanada ey ka guureen iyo Alshabaab oo ...../

$
0
0

Ciidamadii Ahlu sunnah isku sheegay ee la socday ciidamada Amxaarada ee tegay degmada Ceelbuur iyo degaanka ku xeeran ayaa markii ey ka baxayeen magaalooyinka qaar dhacay wax alleh iyo wixii baabuur ah oo ey ku arkeen meelaha ey ka guureen. Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay halganka.net in halkaasi ey ka kaxeysteen ciidamada Ahlu sunnah baabuuro land cruisaro ah oo ey lahaayeen dadka degaanka Wabxo oo xattaa aan ka tegin magaalada markii laga bixiyey ciidamada Alshabaab.

Xookda Ahlu sunnah ayaa ku amray dadkii iska lahaa baabuurtaa iney u kaxeeyaan degaanka Guriceel iyada oo aan la ogeyn halka ey illaa iyo haatan ey ku dambeeyaan dadkii rayidka ahaa ee iska lahaa baabuurta la dhacay oo lagu amray u kaxeeyaan degaanada ey ka taliyaan Ahlu sunnah sida guriceel iyo Dhuusamareeb.

Odayaasha degaanka ayaa ka codsaday maamulka ahlu sunnah iney soo celiyaan  baabuurtaas la dhacay iyo dadkii rayidka ahaa ee iska lahaa baabuurtaas iney si nabad ah ugu ogolaadaan iney ku noqdaan degaanadoodii markii hore laga qafaashay.

Ciidamada Ahlu Sunnah ayaa sida muuqata sameeyey qaniimeysigii Alshabaabku sameey jireen marka ey galaan magaalooyinka ey ka taliyaan Ahlu sunnnah sida Dhuusamarreeb iyo Guriceel.

Dadka degaanka ayaa shaki weyn ka muujiyyey Ahlu sunnah iyagoo qaar kood wacad ku maray iney iska difaaci doonaan haddii ey markale isku dayaan iney u soo qaniimeysi tagaan degaanadooda.

Dhanka kale ciidamda Alshabaab ee dib ugu soo laabtay magaalooyinka qaar ayaa bilaabay qoor goyn, jir dil iyo Xabsi ey kula kaceen qaar kamid ah dadka degaanka iyagoo raadsanaya dadka qaar ey ku eedeeyeen iney ganacsi la sameeyeey gaalada. Alshabaab ayaa illaa iyo hadda inta la ogyahay goorta ka gooyey illaa iyo afar qof halka ey qaar farabadana xabsiyada u taxaabeen iyagoo aan la ogeyn waxa ey ka yeeli doonaan.

Hadaba waxaa la gudboon dadka degaanka iney dhiciyaan dhinacyadan aan waxba iska dhaamin marna dilaya marna xoolahooda dhacay isla markaasna sameystaan maamul iyaga ka dhaxeeya oo aan ku tiirsaneyn labadan dhinac ee ku hardamaya korkooda.

Halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles