Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

UN oo Siri Lanka ka saartey "liiska ceebta"

$
0
0

Qaramada Midoobey aya dalka Sri Llanka ka saartey liiska waddamada ku xad-gudbo xuquuqda carruurta.

 

Dalka Sri Lanka waxa uu mar caan ku ahaa askareynta carruurta iyo in loo adeegsado dagaalladda.

Xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay ayaa haatan sheegay in dowladda dalkaasi ay
sameysey dadaalada xooggan oo wax loogu qabanayo arrintaasi.

Dowladda waxaa kale oo la sheegey in ay daba-gal ku sameysey carruur gaareysa ilaa 1400 oo la la’yahay halka ay ku dambeeyeen.

Ban Ki Moon ayaa sidoo kale sheegay in UNICEF
iyo xukuumada Sri Lanka ay si wadajir ah uga shaqeynayeen sidii dib
loogu mideyn lahaa xubnaha qoysaskii kala lumay ee waqooyiga Sri Lanka.
Sri Lanka waxaa muddo dheer ka socdey dagaal sokeeye, iyadoo dowladda ay
woqooyiga dalkaasi kula dagaalameysey jahadii Tamil Tigers.

Ciidamada Militariga dalkaasi ayaa la sheegey
inay faarujiyeen dhowr dugsi oo ay horey xerooyin ugu dhigteen, balse
waxa walaac laga muujiyay in weli ay ku harsanyihiin 15 dugsi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>