Urur Siyaasadeedka wadani ayaa maant deeq lacaga ku wareejiyay hay’ada horumarinta wadooyinka Gobolada Awdal/Salal ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano ASARADA.
Deeqdan wareejinteeda oo ay goob joog ka ahaayeen gudoomiye ku xigeenka Ururka ASARDA ahna gudoomiyaha Shirkada Isgaadhsiinta Telesom isla markaana ah xidhiidhiyaha qurba jooga iyo guda jooga gobolada Awdal/Selel X/Cqaadir Aadam Nuur, Sheekh Baladka Gobolada Awdal/Salal Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar xubno ka tirsan Boodhka Ururka Asarda Iyo Siyaasi Axmed Mu’min Seed oo Ka mid ahaa Aasaasihii Urur Siyaasadeedkan Wadani ayaa ka dhacday wadada laamiga ah ee isku xidhaysa Boorama iyo Dila ee ay gacanteeda ku hayaan Ururka ASARADA.
Munaasabadii gudoonsiinta lacagtan Ururka ASARDA ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Siyaasi Axmed Mu’min kana mid ah Xubnahah ugu firfircoon ururkan Wadani kana soo jeeda Gobolada Awdal/Salal waxa uuna u mahadnaqay ururka ASARADA hawsha wanaagsan ee ay umada u qabteen , maantana ay diyaar ula yihiin in ay lacag dhan Laba Kun Oo Doolarka Maraykanka oo uu Gudoomiye C/raxmaan C/laahi Ciro horey ugu yaboohay furitaankii xafiiska Wadani Ee Gobolka Awdal, waa kale oo uu sheegay in Ururka Wadani sida magaciisu yahay uu u taagan yahay in uu garab istaago guud ahaan Umada Somaliland Meel kasta iyo waqti kasta oo ay hawl danta guud ah qabsanayaan haday noqon lahayd wadooyin, caafimaad iyo waxbarashada , waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in deeqdani noqonayn tii ugu danbaysay ayse tahay tii Ugu horeysay ayna had iyo jeeraalana garab taagan yihiin ururkan Asarada hiil iyo Hooba.
Sidoo kale waxaa iyagna halkaas ka hadlay Sheekhul Baladka Gobolada Awdal/Salal Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar, Gudoomiye Ku xigeenka Ururka ASARADA Xaaji C/qaadir Aadam Nuur,ganacsade Mu’min Jaamac Waxa ayna dhamaantood uga mahadnaqeen deeqdan ka timid urur siyaasadeedkan Wadani ayna tahay tii ugu horeysay ee ka timaada Urursiyaasadeedyada cusub ee saaxada Somaliland ku soo biiray.
Mas’uuliyiintan iyo culumadan ayaa sidoo kale u mahadnaqay Xukuumada iyo shacabwaynaha ka qayb qaatay dhismaha wadadan isku xidhaysa Boorama iyo Dila oo ay sheegeen in ay dhawaan bilaabi doonaan wajigii saddexaad uguna dheeraa ugua danbeeyay wadadan, waxa ayna codsi dheer iyo mid gaaban hawada u mariyeen urur siyaasadeedyada kale ee la mid ah Ururkan wadani in ay ka mid noqdaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha wadadan isku xidhaysa Caasimada Somaliland iyo gobolada Galbeedka kuna daydaan talaabadan wacan ee ay qaadeen urur Siyaasadeedkan wadani.
Isku soo wada xooriyoo urur siyaasadeedkan Wadani ayaa ah ururkii ugu horeeeyay ee ka qayb qaataa hawlaha masahaariicda waxqabad ee lagu daycatirayo wado halbawlo u ah isku xidhka caasimada iyo gobolada galbeedka inteeda kale tanina waxa ay fariin cad u tahay urur siyaasadeedyada kale ee aan wax muuqda ku darsan wadadan marka laga reebo xafiisyo madhmadhan oo ay calamaan ka taagan yihiin oo ay ka samaysteen oo qudha qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Boorama.”
Source-Boramaonline
↧
Urur Siyaasadeedka Wadani Oo Noqday Ururkii Ugu Horeeyay Oo Deeq Lacag Doolara Ugu Deeqay Ururka Wadooyinka ASARADA+SAWIRO
↧