Xarakada Al Shabaab ayaa waxay galabta ay toogatay nin dhalinyaro ah, kadib markii uu Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose uu dil ugu geystay nin kaloo dhalinyaro ah.
Fagaare ku yaalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay isugu soo baxeyn shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye iyo Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay Xarakada Al Shabaab ay ku toogatay nin dhalinyaro ah.
Ninka dhalinyarada ah ee ay toogatay Xarakada Al Shabaab, ayaa waxaa lagu magacabaa Maxamuud Muuse Maxamuud, wuxuuna ka mid ahaa dadka ku dhaqan Deegaanka Dacaar ee duleedka Degmada Afgooye.
Fagaaraha lagu toogtay Maxamuud Muuse Maxamuud, ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Afgooye ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Abuu Ramla, isagoo sheegay in Sharciga la-marsiiyay Maxamuud Muuse Maxamuud, oo horey u dillay nin kaloo dhalinyaro ah.
Gudoomiye Abuu Ramla ayaa wuxuu ku goodiyay in ruux walba oo dil geysta inay u toogan doonaan, sidaan si lamid ah sida uu yiri, isagoo shacabka uga digay inay dil u geystaan shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan Degmada Afgooye
↧
Xarakada Al Shabaab oo galabta toogatay wiil dhalinyaro ah “Maxayse ka tiri Xarakada Al Shabaab”?
↧