Beledweyne (RBC) Banaanbax balaaran oo lagu taageerayey maamulka Dooxada Shabeelle oo dhowaan la wareegay magaalada Beledweyne ayaa maanta ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne.
Bannaanbaxan oo ay ka soo qeybgaleen dadweyne fara badan ayaa ugu dambeyntii waxay dadka isugu soo urureen hotelka Madiina oo ku yaalla bartamaha magaalada Beledweyne halkaasoo uu dadweynihii bannaan baxayey ugu khudbeeyey madaxweynaha Dooxada Shabeelle C/fataax Xasan Afrax.
Dadweynaha ka qeybgalay bannaanbaxa ayaa ku dhawaaqayey ereyo ay ku taageerayeen maamulka Dooxada Shabeelle oo dagaalo ay mudo ku soo jireen ka dib hadda gacanta ku haya magaalada Beledweyne.
Khudbada C/fataax Xasan Afrax
Madaxweynaha Dooxada Shabeelle oo ka hadlay bannaanbaxa ayaa aad ugu dheeraaday halgankii maamulkiisu u soo galay in Al-Shabaab ay ka saaraan Beledweyne isagoo sheegay in dad fara badan ay u dhinteen.
C/fataac Xasan Afrax ayaa sheegay inaysan ku hakan doonin Beledweyne oo kaliya balse ay sii wadi doonaan halgankooda illaa gobolka Hiiraan iyo gobolada kale ay ka saarayaan ururka Al-Shabaab.
“Ma nasan doono illaa cadawga argagixisada ah aan ka saareyno gobolada kale iyo deegaanada kale” ayuu yiri.
Madaxweynaha maamulka Dooxada Shabelle oo dadweynihii hadalkiisa dhageysanayey aad ugu sacac tumayeen ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu raysul wasaaraha DKMG C/weli Gaas ku sheegay inuusan aqoonsaneyn maamulka Dooxada Shabeelle.
“Meeshan aan hadda joogno[hotel Madiina] waa meeshii dad badan oo reer Hiiraan ah ay ku naf waayeen waad og tihiin dhacdadii lagu dilay Cumar Xaashi, anagu tan iyo markaasi waxaan ku jirnay halgan waxaana ku guuleysanay inaan magaalada Beledweyne maanta nabad loogu bannaanbaxayo” ayuu yiri C/fataax.
“Waxa nasiib daro ah in C/weli Gaas uu shalay yiri ma aqoonsanin maamulkan. C/weli Gaas Hadalkiisa Wuxuu la Mid Yahay Al-Shabaab oo na Dhahda Idin Ma Aqoonsaneyno, Al-Shabaabna kama rabno aqoonsi. Isagaa Al-Shabaab ah ma dhaheyno laakiin hadaladiisa waa kuwii Al-Shabaab” ayuu yiri madaxweynaha Dooxada Shabeelle.
Wuxuu dadweynaha reer Hiiraan ka codsaday inay maamulkiisa ku taageeraan sidii gobolka looga dhigi lahaa nabad isla markaana ay garab istaagaan maamulkiisa.
Bannanbaxan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca Beledweyne tan iyo intii Al-Shabaab laga saaray magaalada Beledweyne mudo hal usbuuc laga joogo.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
↧
Bannaanbax ka Dhacay Beledweyne Iyo Maamulka Dooxada Shabeelle oo Hadalkii Raysul Wasaare Gaas ku Tilmaamay “Hadalkii Al-Shabaab”
↧