Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Boqolaal dadweyne oo muqdisho ka dhigey dibad bax lagu taageerayo Madoobe Nuunow

$
0
0

Muqdisho-hobyonet)Dadweyne isugu jira rag dhalinyaro haween iyo caruur ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka muqdisho iyagoona muujinayey taagerada ay u hayaan gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Madoobe Nunow Maxamed.
Dadkani ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah gudoomiyihii xilka ay katuureen qaar ka tirsan xilibaanada Parlamaanka dowlada KMG Soomaaliya iyagoona ugu baaqay Ururka IGAD, Midowga Africa ,Qaramada MIdowbay Midowga Yurub in ay garab istaagaan gudoomiyaha Cusub ee barlamaaka dhawaan ay doorteen ee Madoobe Noonoow Max’ed.
Faysal Cabdulahi Maxamed oo kamid ahaa dadka dibadbaxyada waday oo u waramayey saxaafadda ayaa waxa uu sheegey in ay dibbaxani ku muujinaya sida ay u taageersan yihiin godoomiyaha Cusub ee Parlamaanka KMG Soomaaliya Madoobe Noonoow Max’ed.
“waxaan aad u soo dhaweyneynaa sida geesinimada leh ee Parlamaanka xilka uga qaadeen gudoomiyihii hore ee Parlamaanka una magacaabeen godoomiye Cusub taasina waa guul u soo hoyatay dalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed”Sidaa waxa yiri Faadumo Maxamed.
Madaxda ka tirsan dowladda kuwooda ugu sareeya ayaa si weyn uga soo horjeestey xilka qaadista Shariif xasan iyo doorashada cusub ee Madoobe Nuunow Maxamed, iyadoo aan la ogeyn waxa ay arintani ku danbeeyn doonto.
www.maalinle.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>