Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu doonayo in markale uu qabto xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu yahay Musharax u tartamaya Doorashada soo socota.
Wareysi uu siiyay wakaalada wararka AFP ayuu Madaxweyne Shariif Sheegay ku sheegay in uu diyaar u yahay in uu markale sii qabto xafiiska madaxweynaha haddii la doorto, iyadoo hadda dowladda uu hoggaamiyo ay u hartay wax ka yar labo bil.
“Haddii run la sheegayo Maamulkeyga Soomaaliya waa uu ku haboon yahay waa haddii markale la i doorto,” ayuu u sheegay Shariif oo hadda ka qeyb galaya shir looga hadlaayo xilliga kala guurka Soomaaliya oo ka socda caasimada Kenya ee Nairobi.
“Intii aan awooda Madaxweynaha hayay waxa aan go’aasaday in aan dadaal badan ku bixiyo la dagaalanka argagixisada kuwaas oo qatar weyn ku ah gobalka oo dhan ,” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
“Waxa la joogaa xilligii la dhisi lahaa qaranimada, sharci darada kuma lahan meel Mustaqbalka. waxa aan isleeyahay in aad awood u leedahay in markale xilka Madaxweynaha laguu doorto” ayuu ku sii daray.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa la doortay bishii January 31-keedii, 2009-ka, waa 47-jir, hadda doonaya in uu markale noqdo madaxweynaha soo socda ee dalka Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa hadda doonaysa inuu dhamaado xilka KMG ah oo ku eg bishan August, taas oo madaxda Dowladda KMG ah ay u taallo shaqo adag oo la rabo inay ku dhameyso waqtiga u harsan, waxaana ka mid ah kuwaas in la sameeyo Dastuur cusub, la soo doorto baarlamaan cusub iyo Madaxweyne.
Si kastaba waxaa soo badanaya Musharixiita dooneysa i ay qabtaan xilka Madaxweynaha kuwaas oo ay ka mid yihiin dad horey uga dhex muuqaday xagga Waxbarashada laakiin hadda doonaya inay dhinaca siyaadda tijaabiyaan.
↧
Madaxweyne Shariif oo markale ku celiyay in uu yahay musharax madaxweyne
↧