Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciidamada Amisom oo sheegay inay la wareegeen deegaanada Ceel Macaan iyo Cisaleey

$
0
0

Taliska ciidamada Amisom ayaa shaaca ka qaaday in howl galo qorsheysan ay shalay ku qabsadeen deegaanada Ceel Macaan iyo Cisaleey oo ka tirsan Gobolka shabelaha dhexe, halkaasoo ay ku yaalaan garoon diyaaradeed iyo deked macmal ah oo shaqeyneysay xilliyadii hogaamiye kooxeedyada.
Saraakiisha Amisom ayaa sheegay in deegaanada Cisaleey iyo Ceel Macaan ay yihiin kuwo istiraatiiji ah, isla markaana ay ku yaalaan waqooyi bari magaalada Muqdisho.
“Deegaanada Cisaley oo garoon diyaaradeed leh iyo Ceel Macaan oo leh Deked waa deegaano istiraatiiji ah, Al-Shabaab waxay ka mid tahay meelaha ay lumiyeen”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Amisom.
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay hub kala soo degi jireen dekeda ceel Macaan, dagaalyahanada ajaaniibtana ka soo dagayeen sida lagu yiri.
“Howl galkii shalay wuuu guuleystay, ciidamadeena iyo kuwa dowladda waxaa u suura gashay in meelaha ka baxsan Muqdisho aan ammaankooda xaqiijino”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan deegaanada ay lumiyeen, waxaana tani ay qeyb ka noqoneysa iyadoo horay deegaano dhowr ah loogala wareegay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>