Mukhtaar Roobow oo lagu naaneyso Abuu Mansuur ayaa sheegay in aanu isaga Mareykanka iska qarineyn, kadib markii shalay masaajid ku yaal Buurhakaba uu ka jeediyay hadal layaab ahaa oo uu ku cadeeyay in Mareykanka uu u sheegayo meel kasta uu joogo.
Abuu Mansuur ayaa sheegay in aanu cabsaneyn, meel walba oo dhulka uu ka soo jeedana uu ku marayo si xoriyad ah, waxaana uu xusay inuu joogo Buurhakaba.
“Mareykanow iyo Obama waa i kanaa, halkaan ayaa joogaa, Buurhakaba Masaajidka ku dukaday salaadii jimcaha, jimcihii horena Tiyeeglow ayaa joogay”ayuu yiri Abuu Mansuur.
Waxaa uu sheegay in lacagaha la dul dhigay madaxooda ay magac dil ku tahay dadka Muslimiinta, waxaana uu cadeeyay in gaalada oo idil ay meel walba dagaal kula jirto dadka Muslimiinta.
“Liiska Argagixisada la idinku daray, idinkana liiska jahana, gaalo waa isa soo baheysatay, Mareykanka wuxuu dhahay argagixisa ka cirib tiraa Soomaaliy iyo Afganistan, aaway hee maba suulin, idinkana meel walba waa ku halaagsami doontaan”ayuu sii raaciyay.
Mareykanka ayaa dhowaan soo bandhigay liiska 7-ka tirsan saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, kuwaas oo madaxooxa uu dul dhigay 33-milyan doolar, lacagta ugu badan ee 7-da Milyan waxaa madaxiisa la saaray hogaamiyaha Shabaab Axmed Godane.
↧
Abuu Mansuur “Mareykan anigaa idin sheegaya halka aan joogo, ma dhuumanayo waa i kanaa”
↧