Madaxweynaha jabuuti mudane ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku dhawaaqay in ciidamo dheeraad ah uu usoo dirayo Soomaaliya kuwaas oo ku biiraya ciidamada Amisom ee ka howlgala gudaha dalkeenna Soomaaliya.
Mudane Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa hadalkan ka sheegay munaasabaddii xuska maalinta xorriyadda oo shalay dalkaasi laga xusay.
“ ciidamo dheeraad ah ayaan u direeynaa Soomaaliya kuwaas oo saraakiishii hoggaamineysay ay nala joogaan munaasabaddan, waxaana ciidamadan lagu magacaabaa Hiil oo waxey u hiilinayaan walaalohooda Soomaaliyeed, cadowga ayeeyna ka celinayaan, ciidamadanna waxeey ku biiridoonaan ciidamadii ay jabuuti hore ugu dirtay Soomaaliya kuwaas oo ka mid ah Amisom” ayuu yiri madaxweyne Geelle oo hadalkan ka jeediyay munaasabdii xuska maalinta xorriyadda oo shalay ka dhacday dalkaasi.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa hore uga joogay Soomaaliya ilaa Sideed Boqol oo Askari kuwaas oo haatan ka howlgala Muqdisho iyo gobolka Hiiraan.
↧
Jabuuti oo ciidamo dheeraad ah usoo direysa Soomaaliya
↧