image:
Waxaa wax lala-yaabo noqotay markii Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu qabtay rag ka tirsan Ahlu Sunna Gobolada Dhexe, oo abuuraayay fal lid ku ah ammaanka Degmada Balcad.
Waxaa shalay galab Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu arkay gaari tikniko ah oo si xowli leh ugu dhex soconaaya, isla-markaana gaariga ayaa wuxuu jiiray haweeney markaasi mareysay laamiga, iyadoo xaaladda haweeneydaasi ay tahay mid liidata.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan dambiila-yaasha, isla-markaana gaarigii gaarigaasi watay ayaa waxaa tiradoodu lagu sheegay ilaa 11 nin, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda.
Markii raggaan wareysi lala-yeeshay ayaa waxay sheegeen inay ka tirsan yihiin Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, waxayna taasi keentay arin cakiran oo soo kala dhex gaashay Dowladda iyo Ahlu Sunna, balse Dowladda ayaa waxay ku goodisay inay raggaasi Maxkamad soo taaggi doonto.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Jiinow Calasow, oo Warbaahinta Magaalada Muqdisho la-hadlay ayaa wuxuu sheegay in raggaasi iyagoo aan ka tirsaneyn Al Shabaab, ay doonayeen inay dhibaato ka geystaan buu yiri Degamda Balcad.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu ku hanjabay in raggaasi ay soo taaggi doonaan Sharciga, ayna ku qaadi doonaan Sharciga waxa uu ka qabo dambiga ay galeen, maadaama uu sheegay inay fal qal-qal leh ay ka wadeen Gobolka Shabeellaha Dhexe.