Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Munaasabad calanka lagu saaray saqda dhexe oo xalay Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

$
0
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay looguna dabaal
degayay 1-da Luulyo 52-guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada
Koofureed xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii
Gobolada Koofur iyo Waqooyi ayaa xalay laga xusay Magaalada Muqdisho,
waxaana xafladii ugu ballaarneyd ka dhacday Xarunta Madaxtooyada.

Munaasabada ka dhacday Madaxtooyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen
Marwooyinkiisa, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano,
Saraakiisha ciidanka qalabka sida iyo AMISOM, qeybaha bulshada iyo marti
sharaf ah.

Bilowga Xaflada ka dhacday Madaxtooyada ayaa waxaa lagu soo bandhigay
heeso iyo suugaan ay soo bandhigeen Hobolada qaranka ee Waabari,
iyadoo martidii ka qeyb gashay ku madadaaliyay suugaan kala gedisan oo
wadani ah, kaasoo si qiiro leh ugu beertay ka qeyb galayaashii.

Abaarihii 12-ka habeenimo ayaa la saaray Calanka Jamhuuriyada
Soomaaliya, waxaana kooxda Baambeyda ee Muusikada ay garaaceen astaanta
qaranka, iyadoo Madaxweyne Shariif uu salaan sharaf ka qaatay
Ciidamada qalabka sida oo u diyaarsanaa inay salaan sharaf siiyaan.

Intaas kadib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo
khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay ayaa bogaadiyay shacabka
Soomaaliyed munaasabada 52-guuradii ka soo wareegatay Xornimada
Gobolada Koofureed iyo is raacii Gobolada Waqooyi iyo koofur.

“Salaan kadib waxaa jeclahay inaan shacabka ugu hambaleeyyoi
xoriyadii dalka 52- guuradii ka soo wareegatay, is raacii gobolada
waqooyi iyo koofur, shacabka meel walba ay joogaan waxaan leeyahay
hambalyo, sanadkan kiisa guul barwaaqo iyo nabad iyo dhibaatada laga
soo kabsado Alle ha inagu gaarsiiyo”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo u
mahad celiyay Ciidamada qalabka sida iyo Ciidamada AMISOM guulihii ay
gaareen.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Dowladnimada ku timid fikir dadka
dhan isla garteen, isagoo xusay in xornimadii kadib aan la helin
himilooyinkii shacabka, hase ahaatee ay haatan rajeynayaan in wixii
dhacay aan dib loogu laaban.

Shariif ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Al-qaacida ay fikir ahaan,
siyaasad ahaan iyo milateri ahaan ay bur bureen, isagoo cadeeyay inay
noqon doonaan marxalada soo socota taariikh ay xusaan shacabka
Soomaaliyed.

Ugu dambeyn Munaasabadii xalay ka dhacday Madaxtooyada oo aheyd tii
ugu ballaarneyd ee sanadihii u dambeeyay aanay ka dhicin dalka ayaa
waxaa wehliyay munaasabado si gaar gaar ah lagu weyneynayay oo lagu
xusayay 1-da Luulyo, waxaana ay ka kala dhaceen degmooyinka
Howlwadaag, Wardhiigley, Shibis, Dharkeenley iyo degmooyinka kale ay
ahaayeen kuwo isku mid ah oo jawi nabad ah ay ku soo idlaadeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>