Garowe (RBC) Xaflado loogu dabaaldegay munaasabadda 52 guurada ka soo wareegatay markii ay midobeen gobolada waqooyiga iyo koonfurta dalka isla markaana gumeystihii Talyaaniga laga saaray koonfurta dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.
Xaflada kadhacday magaalada Garowe ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Puntland waxaana halkaasi isugu yimid masuuliyiinta golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland, wasiir ku xigeeno, saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada Garowe.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Gen C/samad Cali Shire oo ku sugnaa goobta xaflada lagu qabtay ayaa ugu dambeyntii khudbad ka jeediyey munaasabada isagoo sheegay in dadka reer Puntland ay ku farxayaan u dabaaldega munaasabadda 1-da Luulyo oo maanta ay ka soo wareegtay 52-sano.
Dhanka kale, munaasabad uu ka qeybgalay madaxweyne kuxigeenka maamulkaGalmudug C/samad Nuur Guuleed ayaa lagu qabtay madaxtooyada maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo. Waxaana munaasabadaasi la soo gabagabeeyey abaare 12:00 saqdii dhexe ee xalay markaasoo calanka Soomaaliya laga taagay goobta iyadoo la tumay astaanta qaranka ee “Soomaaliyeey tosoo”.
RBC Radio
↧
Puntland iyo Galmudug oo u Dabaaldegay Xuska 1-da Luulyo
↧