Hillary Clinton Oo Ugu Hamabalyeesay Ummadda Soomaaliyeed Kowda Luulyo
Washingto (RBC) Xoghayaha arrimaha dibedda ee wadanka Mareykanka Hillary Clinton ayaa ummada Soomaaliyeed ugu hamabalyeesay sanad guuradii 52-aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen gobalada koonfureed gumeestihii Talyaaniga, isla markaana ay israaceen gobalada waqooyi iyo koonfur ee dalkeena Soomaaliya 1-dii July 1960
War ay ka soo saartay xafiiskeeda Mrs. Clinton oo ay saxaafadda siisay ayey ku sheegtay in hambalyo iyo boogaadin ku aaddan 1-da Luulyo u direyso madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay ku sugan yihin.
Waxa ay tiri ” Dalka hadda xaaladiisa waa ay soo hagaageysaa, iyadoo tan iyo sannadkii hore, horrumar laga sameeyay dhinacyo badan oo ay ugu horreyso ammaanka.”
Sidoo kale Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka in ay ku rajo weyntahay in la soo afdjaro xiliga KMG ah oo ku eg bisha August ee sannadkan, waxana ay timaamtay in howashaas si furfuran lagu wajahay”.
Hillary Clinton oo mataleysa madaxweyne Barack Obama iyo shacabka Mareekanka sheegtay in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto, soona ceshato sharaftii ay ku lahayd aduunka.
Mrs. Clinton ayaa sheegtay in ay mudan yihiin in loo mahadceliyo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo suuragaliyay nabadda hadda ka soo iftiimeysa Muqdisho iyo deegano badan oo dalka ah.
Waxay intaas raacisay in magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku hareersan ay yihiin hadda aysan ka arrimi kooxda al-Shabaab.
Waxa ay sheegtay in abaartii iyo macluushii sannadkii hore ku dhufatay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya aduunyada wax badan ka qabteen oo la badbaadiyay dad badan oo qarka u saarnaa in ay gaajo u la’daan.
Ugu dambeen Xoghayaha arrimaha dibedda mareekanka Mrs. Hillary Clinton ayaa sheegtay in xukuumada Wanshinton ay mar walba garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay garab ku siinayaan soo afjaridda xilliga kumeel gaarka ah iyo soo celinta xasilloonida, iyadoo u rajeysay Soomaalida nabad iyo horumar.
Waa masuulkii ugu sarreeyay ee dowladda Mareekanka ka tirsan ee hambalyo ku aadan munaasabada kowda luulyo oo ah maallintii ay xornimada qaasteen gobalada Koonfur iskama markaana ay israaceen waqooyi iyo Koonfur.
Si kastaba, dabaaldegyo lagu maamuusayo munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beeggan sanad-guuradii 52-aad ee ka soo wareegatay markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii gobollada koonfur iyo waqooyi ayaa xalay ka dhacday qasriga madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, qaar ka mid ah gobollada dalka iyo xarumaha safaaradaha Soomaalida ee dalalka caalamka.
Sidoo kale munaasabaddo kale oo lagu xusayo maalinta xorriyada ee 1-da Luulyo ayaa waxay ka dhaceen magaalada Baydhabo, waqooyiga Gaalkacyo, degmada Balcad, Gedo, Hiiraan, Jubbooyinka iyo magaalooyin kale.
RBC Radio
======================
Xafiiska Wararka Nairobi
↧
Hillary Clinton Oo Ugu Hamabalyeesay Ummadda Soomaaliyeed Kowda Luuliyo
↧