Ugu yaraan 16 qof ayaa dhintay, 50-kalena way dhaawacmeen kaddib markii qaraxyo lala eegtay laba kaniisadood oo ku yaalla Garissa.
Weerarada qaraxyadan ayaa dhacay maanta oo Axad ah xilli ay dad badan oo masiixiyiin ah ay ku cibaadeysanayeen labada kaniisadood. Ilaa hadda ma cadda cidda geysatay weerarkan.
Qaraxyo dhowr ah ayaa ka dhacay magaalada Garissa iyo waliba degmooyin kale oo ka tirsan Kenya tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya si ay ciidamada Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabab.