Guddoomiyaha Degmadda Deyniile ee Dowladda Soomaaliya Daahir Xasan Xuseen ayaa ka warbixiyey ujeedkii loo dilay haween meydkooda lagu arkay degmadiisa.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in dilka ay ka danbeyeen Shabaab isla markaana ay ku tuhmeen inay xiriir la leeyihiin Dowladda iyo AMISOM.
“Dilka waxaa loo adeegsaday Bostoolad waxana dilay kooxda Shabaab” ayuu u sheegay Gudoomiyaha degmadda Deyniile Daahir Xasan.
Gudoomiyaha degmadda Deyniile ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya in degmaddiis la geeyo ciidamo kuwa nabad sugida ah oo ka qayb qaata sugida ammaanka.
“Wixii hada ka danbeeya waxban ka qaban doonaa ammaanka degmadda” ayuu markale sheegay Gudoomiyaha Degmadda Deyniile ee Dowladda Soomaaliya.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Degmadda Deyniile lagu arkay meydadka 2-haween ah oo si xun loo dilay.