Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Sarkaal Midowga Afrika: Haddii La Rabo In Dagaalka Al-Qaacida uu Socdo Waa In Sheekh Shariif Markale La Doortaa

$
0
0

Muqdisho (SONNA) Sarkaal ka tirsan ururka Midowga Afrika xafiiska uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa Raxanreeb u sheegay sadaal hordhac ah oo uu ka bixiyey doorashada madaxtinimada dalka ee lagu wado in bisha Agoosto ay ka dhacdo Muqdisho taasoo ay ku tartami doonaan musharixiin fara badan.
Sarkaalkan oo naga codsaday in magaciisa la sheegin sababtoo ah uma fasaxna inuu ka hadlo arimaha doorashada, ayaa wuxuu cadeeyey in Midowga Afrika iyo wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Ugandha, Burundi iyo Kenya ay si weyn ugu ololeynayaan in dib loo doorto madaxweynaha KMG ah ee waqtigiisu dhamaanayo Shariif Sheekh Axmed, isagoo sababuga dhigay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay wadamadaasi.
“Sheekh Shariif waxaa loo arkaa shakhsiga kaliya ee sii wadi kara xiriirka naga dhexeeya, marka laga hadlayo wadamada saaxiibka ah ee ciidamadoodu halkan joogaan” ayuu yuri sarkaalkan ka tirsan Midowga Afrika.  “Waji cusub waxaa uu u baahan doonaa waqti kale” ayuu ku daray.
Waxaa jirta sabab kale, sida sarkaalkan uu sheegayo oo keeneysa in Midowga Afrika iyo wadamada dagaalka kaga jira Soomaaliya ay u taageerayaan madaxweyne Shariif inuu mar labaad ku soo laabto aqalka madaxtooyada.
“Sheekh Shariif waa Islaami qunyar socod ah oo wax badan ka fahamsan hab dhaqanka kooxaha Islaamiyiinta sidaasi darteed haddii Ameerika ay rabto in dagaalka Al-Qaacida iyo Al-Shabaab uu sii socdo, laguna guuleysto waa iuu sii joogaa Sheekh Shariif” ayuu markale sarkaalka Midowga Afrika ka tirsan uu si hoose ugu sheegay Raxanreeb.
Tartanka doorashada madaxtinimo ayaa hadda meel sare ka maraya Muqdisho, waxaana maalin kasta la maqlaa musharixiin cusub oo ku dhawaaqaya inay iyaguna tartanka ku soo biireen.  Ragga sida weyn bannaanka isu keenay waxaa ka mid ah Dr. C/raxmaan Baadiyow, Xasan Sheekh Maxamuud, C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo dhamaantood ka soo jeeda beesha madaxweyne Shariif tasoo dadka qaarkiis u arkaan inay ciriiri ku tahay ololaha Sheekh Shariif oo xoog iyo xoolaba ku bixinaya sidii uu markale ku iman kursiga.
Laakiin musharixiinta kale ee la hadalhayo inay fursad heli karaan waxaa ka mid ah Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo sida sarkaalkan u waramay Raxanreeb uu cadeeyey, lagu tilmaamay nin aaminsan ‘wadaniyad’ ama qowmiyad.
“Waxaa jira rag qurbejoog ah oo dadka ay sheegayaan, qaarkood waxaa ka mid ah kuwo rumeysan qowmiyad [nationalists] sida Samatar, waa dhici kartaa inay fursad halkaa ka jirto,  aan aragno” ayuu yiri markale sarkaalkan ka tirsan Xafiiska Midowga Afrika.
Yaa bedeli kara Shariif?
Waa su’aal xitaa dadka Soomaalida ah aysan si isku mid ah uga jawaabin laakiin saraakiisha Midowga Afrika ee hogaamiya hawlgalka AMISOM, oo iyagu saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka waxay ku jawaabayaan waxyaabo kala duwan oo ay u arkaan in xalka uu ku jiri lahaa, waxaana ugu horeeya in la helo ‘Soomaaliya oo ka fog argagixiso’ si taasi loo gaarana waa in la helaa siyaasi taariikh fiican ku leh dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta.
Haddaad dib u raacdo taariikhda, sanadkii 2009 markii doorashada madaxtinimada ee baarlamaankii la ballaariyey lagu sameeyay Jabuuti waxay beesha caalamka si weyn u taageereen madaxweyne Shariif oo xilligaasi ka soo galay ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee dagaalka kula jira ciidamada Ethiopia iyadoo loo arkay in xalka uu ku jiro, ugu yaraan in Islaamiyiintu ay helaan madaxtinimada dalka.
“Ka feker isla dhabihii la raacay 2009, hadda waxay Soomaaliya taagan tahay meeshaas oo kale” ayuu yiri sarkaalkan.
Shakhsiga kaliya ee beesha caalamka maanta ku bedeli karto Sheekh Shariif waxaa uu noqon lahaa XASAN DAAHIR AWEYS, oo malaha haddiiba ay ka go’naato fursad fiican u heysta kursiga.
“Mr Aweys waa nin dabacsan, laakiin isaga oo aan weli la heyn darteed waxay fursad siineysaa Sheekh Shariif” ayuu sii raaciyey.
Wariye ka tirsan Raxanreeb ayaa sheegaya in ay jiraan daliilo muujinaya in beesha caalamka ay ku qanacsanaan lahayd in Xasan Daahir Aweys uu ku soo biiro hannaanka nabadda Soomaaliya, waayo Xasan waa ninka kaliya ee ugu magaca weyn kooxaha Islaamiyiinta la xiran Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ee haddana aan ku jirin liiska toddobada ruux ee Mareykanka dhowaan lacagaha faraha badan uu duldhigay in la soo qabto ama la dilo.  Liiskaasi waxaa ku jira rag aan weligood magacyadooda laga maqlin gudaha dalka.
Dareen kale oo si fiican u muuqda ayaa ah in beesha caalamka oo Mareykanka uu horboodo waxay Soomaaliya ka rabtaa dawlad amni keenta oo marka hore dadkeeda [Soomaalida] looga badbaado, marka xigtana u dhego-nugul caalamka reer galbeedka ama waxa loo yaqaano ‘xiriir iskaashi saaxiibtinimo ku dhisan‘ la leh dunida casriga ah.
Si kastaba, waxaa qorshuhu yahay in 20-ka Agoosto ay dhacdo doorashada madaxtinimada oo aan ahayn codbixin dadweyne laakiin ku xiran 275 ruux ee baarlamaanka cusub soo geli doonta, waxaana 21-ka Agoosto kursiga madaxtinimada la wareegi doona madaxweynaha cusub ee la doorto.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>