image:
Malleeshiyaadka Shabaab ayaa degmada Ceelbuur xalay ku gowracay Macalin dugsi qur’an oo caan ka ahaa degmadaasi.
Allaha u naxariistee Sheekh C/salaan Maxamed Barre oo ka mid ahaa Macalimiinta Qur’aanka ee degmada Ceelbuur ayaa malleeshiyaadka Shabaab waxa ay ku hayeen xabsiga in muddo ah iyagoo ku eedeeynayay sababta uu ugu haray degmada Ceelbuur muddadii ay heysteen ciidamada Ahlusunna.
Malleeshiyaadka ayaa Sheekh geeyay tuulada Bargaan halkaas oo ay xalay ku gowraceen kadibna waxa ay maydka Sheekh iyo madaxiisi oo go’an soo dhigeen bartamaha tuulada Bargaan iyadoo dadka reer Bargaan ay saaka ku soo tooseen arintan argagaxa leh.
Sidoo kale malleeshiyaadkaasi ayaa degmada Ceelbuur hore ugu gowracay Tobadeeye qofood oo ka mid ah dadka deegaanka kuwaas oo ay ku eedeeynayeen sababta ay magaalada ujoogeen markii ay heeysteen ciidamada Ahlusunna.