Madaxweynaha dowladda Yugandha Yoweri Museveni ayaa sheegay in howgalka ay ciidamadiisa qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya aysan aheyn kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin Soomaaliya, wuxuuna Museveni hadalkan ka sheegay munaasabad loogu dabaal-dagayey 50-sano guuradii ka soo wareegtay markii dalka Burundi uu xorriyaddiisa qaatay.
“Ciidamadeedna waxay la howgalaan kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxayna ka sameeyeen horumar dagaaladii ay galeen oo dhan, hadda waxay joogaan gobolo ka baxsan magaalada Muqdisho, wayna sii soconayaan oo amarkaasi aniga ayaa bixiyey” ayuu yiri Museveni.
Madaxweynaha Yuganda waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada AMISOM ay howgalkooda wadi doonaan illaa iyo inta ka saarayaan Soomaaliya sida u yiri ciidamada Xarakada Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale ammaanay ciidanka ka socda dalka Burundi ee qeybta ka ah howgalka AMISOM.
Dalka Yugandha ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya in ka badan 5,000 oo askari oo qeyb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waana markii ugu horeysay tan iyo markii uu billowday howlgalkooda sanadkii 2007-dii inay tagaan goobo ka baxsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan magaalooyinka Balcad, Agooye, B/weyne iyo Baydhabo.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan dalalka Itoobiya, Kenya iyo Burundi ay sheegeen inaysan ciidamadooda ka baxeyn Soomaaliya illaa iyo inta meesha laga saarayo sida ay yiraahdeen Xarakada Al-shabaab lagana soo celinayo ammaanka guud ee Soomaaliya.
↧
Madaxweynaha Yugandha : Dan gaar ah kama lihin joogitaanka wadanka Soomaaliya aan ahayn caawinaada dadka soomaaliyeed
↧