Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogtay laba sarkaal oo u dhashay dalka Eriteria iyo afar shaqi oo kale oo ka soo jeeda dalalka bariga Africa, kuwaas oo ay ku eedeyneyso iney taageere siiyeen kooxda Alshabab ee Somalia.
Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa ku dartay lixdan qof, qamiistii shalay liiska uu amarka ku bixiyay Madaxweynaha dalkan sanadkii 2010kii, kaas oo u ogolaanaya dowladda Mareykanka iney fariisiso hantida shaqsiyaadka, gacanta ka geysanaya colaadda ka taagan Somalia.
Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Susan Rice ayaa sheegtay in dhamaan lixdan qof ay xiriir toos ah la leeyihiin Al-shabab, isla markaana ay Qatar ku yihiin nabadda iyo rajada laga qabo xasilooni ka dhalata Gobolka oo dhan.
Saraakiisha Eriteria ee liiskan lagu magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin Colonel Te-wolde Negash, oo ah sarkaal dhinaca sirdoonka ah, oo lagu eedeeyay inuu lacagaha u kala gudbin jiray Al-shabab,isla markaana uu kaalin ku lahaa go’aamadii kooxda Xisbul Islam ee markii dambe Al-shabab la midoowday sanadkii 2010kii.
Sidoo kale liiska waxaa lagu daray Suhayl Salim Abd-el-Rahman, oo u dhashay dalka Sudan, oo la sheegay inuu dhaqaale iyo tasiilaad safarba u fidin jiray, dagaalyahanada shisheeye ee doonay iney galaan Somalia
Waxaa kaloo liiska ku jira sadex muwaadin oo u dhashay dalka Kenya oo kala ah - Aboud Rogo Mohammed, Abubaker Shariff Ahmed iyo Omar Awadh Omar -- oo iyaguna ku eedeysan iney kaalmo dhaqaale iyo mid sahayba u fidiyeen Al-shabab.