Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa ka hadlay shirkii dhawaan ku soo idlaaday Magaaladda Roma ee wadanka Taliyaaniga.
Cali Dheere ayaa sheegay in shirkaasi ay ka qayb galeen wadamo si aad ah ugu ololeynaya in la simo muslimiinta iyo gaaladda.
“Waa shir lagu gaalaysiinayo ummadda Soomaaliyeed waana la isku bahaystay” ayuu yiri Afhayeenka Shabaab.
Cali Dheere aya sheegay in sababaha ay u dagaalamayaan ay tahay in Dalka ay ku xukuumaan Shareecadda Islaamka.
“Dagaalka aan dalka ugu saareynayo gaaladda waa uu soconayaa marnaba ma hakan doono” ayuu markale sheegay Cali Dheere.
Al-Shabaab ayaa ka soo horjeeda shirarka lagu qabanayo dalka dibadiisa , waxaana dalka ay ka wadaan dagaal ay ugu soo horjeedaan Dowladda iyo AMISOM.
↧
Cali dheere: Shirkii Roma waa mid lagu simay Muslim iyo Gaal
↧