Garowe-(SONNA Baarlamaanka Puntland ayaa Kalfadhiyadoodi u danbeeyay waxaa ay ka doodayeen maqnaanshaha Gobolka Sool iyaga oo soo jeediyay Dhaliilo badan.
Xildhibaanada ayaa doodooda kadib waxaa loo qaaday cod iyadoo inta badan Mudanayaashu isku raaceen in arintaas xal laga gaaro.
39 kamid ah 40ki Mudane ee kulanka soo xaadiray ayaa u codeeyay in Puntland ay go’aan ka gaarto Gobolka Sool oo mudo 5sano ah ka maqan gacanta Puntland.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamad Xirsi ayaa gabagabadii waxaa uu yiri”Baarlamaanku waxaa uu isku raacay in siyaasad midaysan Puntland kasoo saarto arinta gobolka Sool”.
Waa markii ugu horaysay oo Baarlamaanka Puntland ay ka doodaan arinta Gobolka Sool, waxaana la filayaa in madaxda Puntland ay hortagaan Baarlamaanka si arintaasi su’aalo looga waydiiyo.
Gobolka Sool waxaa modo sanado ah ka ariminayay Maamulka Somaliland oo kula wareegay Dagaal ay la galeen Ciidamada Maamulka Puntland , waxaana arintan y sababtay in bulshada Goboladaasi ay ka gadoodaan Maamulka uu hogaamiyo Faroole kuwaas oo samaystay Maamulka Khaatumo .
↧
Puntland Oo sheegtay iney soo ceshaneyso gobolka Sool iyo meelo kale.
↧