Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Mushaar la’aan haysata Ciidamada DKMG ee Baladweyne, Hiiraan

$
0
0

Baladweyne: (SONNA)  Maamulka gobolka Hiiraan ee DKMG ayaa shaaca ka qaaday in mushaar la’aan baahsan ay haysato Ciidamada Dowladda ee ku sgan halkaasi, islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto arrimahaasi. 
Sheekh Cismaan Barre Max’ed, Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ammaanka Magaalada Baladweyne uu wanaagsan yahay balse halkaasi ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca Ciidanka ah kuwaasi oo ay ugu badan tahay mushaar la’aan haysata Ciidamada Dowladda KMG ah. 
Guddoomiyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin cid mushaar siisa Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Baladweyne islamarkaana loo baahan yahay in la taakuleeyo Ciidamada Dowladda oo uu tibaaxay inay yihiin kuwa leh mudnaanta koowaad sida uu hadalka u dhigay. 
Sheekh Cismaan Barre Max’ed ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay codsi u direen Madaxda Dowladda KMG ah taasi oo ku aaddan in Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaaladaasi ay helaan Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen,  waxaana uu tilmaamay in gobolka uu ka jiro hoos u dhac ballaaran islamarkaana Dowladda KMG ah looga baahan yahay in arrimahaasi ay wax ka qabato.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa gacanta ku haya Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya, Ethiopia iyo Ciidamada Jabuuti, iyadoo Maamulka gobolkaasi uu Dowladda ka cosaday in lagama maarmaan ay tahay in Ciidamada Dowladda ay helaan mushaaraadkooda, maadaama ay ku jiraan xilli adag.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>