Gaalkacyo: (SONNA) Kaddib kullan Magaalada Gaalkacyo ay ku yeesheen Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Maamul goboleedka Galmudug ayaa waxa ay kaga hadleen khilaafka xilligaa oo u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Galmudug kaasi oo inta badan salka ku haya xilliga la qabanayo doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaasi.
Odayaasha iyo Waxagradka ayaa sheegay in Doorashada la qaban doono Bisha Augusta, maadaama xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin uu ku egyahay xilligaasi.
Sidoo kale Odayaasha ayaa soo dhaweeyay guddi dhawaan uu magacaabay Madaweyne ku xiggeenka Maamulka Galmudug, iyagoo sheegay in loo baahnaa in la magacaabo guddiga qaban qaabada Doorshada Madaxtinimo ee Maamulkaasi sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Nabadoonnada Maamulka Galmudug Naboon Yaasiin Max’ed Gaani.
Arrintaani ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli muddooyinkii dambe Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo guddoomiyaha barlamanka Galmudug ay isku khilaafeen xilliga la qabanayo Doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaasi.
↧
Odayaal iyo Waxgarad ka hadlay khilaafka Madaxda Galmudug, Gaalkacyo
↧