Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Dowladda Faransiiska oo sheegtay inuu bad qabo Denis Allex oo Al-Shabaab gacanta ugu jira

$
0
0

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay xaalada la heyste Faransiis ah oo gacanta ugu jira Al-Shabaab ay wanaagsan tahay, kadib markii xiriiro ay la sameeyeen la heystahaas oo muddo saddex sano lagu heysto Soomaaliya
Wasiirka difaaca Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in Denis Allex uu bad qabo, xaaladiisa ay wanaagsan tahay, markii ay qadka taleefanka lagula xiriiray.
Ninkan Sarkaalka oo ka tirsan hey’adaha sirdoonka Faransiiska ayaa isaga iyo nin kale laga afduubtay sanadkii 2009-kii magaalada Muqdisho, iyagoo ka caawinayay tababarka dhanka sirdoonka hey’adaha ammaanka dowladda
Wasiirka difaaca Faransiiska ayaa sheegay inay hayaan cadeymo muujinayay in Denis Allez uu nool yahay, hase ahaatee uu ku jiro gacanta Al-Shabaab
Al-Shabaab ayaa dhowaan soo bandhigay muuqaal Video ah oo ninkan Faransiiska ah ka hadlayo, isagoo ugu baaqay dowladda Faransiiska inay faraha kala baxdo dalalka Islaamka.
La heystayaal u dhashay Faransiiska oo gaaraya ilaa lix ayaa lagu heystaa Gobolka Saaxil iyo Soomaaliya, iyadoo kooxo islaamiyiin ah ay u afduuban yihiin.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>