Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Khilaaf soo kala dhex galay Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan

$
0
0

Khilaaf xoog leh ayaa soo kala dhex galay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan, kaasoo ku saleysan awooda xaga maamulka, iyadoo mas’uuliyiinta maamulkaas ay bilaabeen in warbaahinta isaga weydaarsadaan hadalo kulul.
Gudoomiyaha degmada B/weyn Shiikh Cismaan Barre ayaa sheegay in gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax uu awood u isticmaalayo, isla markaana uu joojiyay canshuurtii maamulka degmada.
Waxaa uu sheegay in magaalada laga qaado cashuur sida gaar ah jeebka gudoomiyaha gobolka uga dhacdo, taasoo uu tibaaxay inay tahay arrin sharci daro ah.
“Ninka Gudoomiyaha wuxuu bilaabay in canshuur si gaar ah uga qaado, waliba jeebkiisa ku dhacdo, canshuurtii sharciga aheyd ee degmada waa uu naga hor istaagay”ayuu yiri gudoomiyaha degmada B/weyn
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa kol hore dowladda ay magacawday, waxaana maamulkan horay loo sheegay inuu yahay mid KMG ah, si maamul ay dadka deegaanka u soo doortaan looga hirgeliyo gobolka, waxaana maamulkan uu ku dhisan yahay habka awood qeybsiga beelaha dega gobolka


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>