Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Madaxweyne Farmaajo oo Saaka booqanaya xarumo Muhiim...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane.Maxamed C/llaahi Farmaajo oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in maanta uu kormeer ku sameeyeyo xarumo kala duwan oo kuyaala Caasimadda.
Mudane. Farmaajo ayaa booqan doona Isbitalka Guud ee magaalada Garoowe,isagoo u kuurgalaya xaaladda Bukaanada kujira Isbitalka iyo adeegyada caafimaad ay helayaan,sidoo kale wuxuu warbixin ka dhageysan doona maamulka iyo howlwadeenada Isbitalka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagax dhigi doona xarumo kala duwan oo isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed,kuwaasi oo laga dhisayo magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Dhinaca kale waxaa la filayaa in uu la kulmo ardayda wax ka barata Jaamacadaha,isagoo maamulada Jaamacadaha dhegaysan doona warbixinno ku ku saabsan adeegyada waxbarasho iyo baahiyaha ay qabaan.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Farmaajo oo Saaka booqanaya xarumo Muhiim ah oo ku yaalla Caasimadda Garoowe. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>