Magaalooyinka Berbera Iyo Gabilay ee dalka Somaliland ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax balaadhan oo lagu taageerayo khudbadii madaxweynaha Somaliland ka jeediyey labadda gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland, islamarkaana lagaga soo horjeeddo in Somaliland la kala jaro oo qaranimada wax layeelo.
Dadweynaha ku nool magaalo Berbera ayaa Waxa ku wehelinayey isku soo baxan madaxda iyo shaqaalaha hay’adaha dawliga ee Berbera , Ciidamada booliska iyo ciidanka ilaalada xeebaha oo ay horkacayaan madaxdoodu, waxaanay socod ku mareen jidadka waaweyn ee magaaladaasi.
Dadweynahan ayaa iskugu yimid fagaaraha Khayriyada ee 26 june ee magaaladda Berbera, waxaana halkaasi hadalo kala duwan ka soo jeediyey madaxda gobolka, kuwaas oo sheegay inay si weyn u taageersan yihiin khadbadii madaxweynaha ee sanadlahaa ee uu labadda gole u jeediyey, waxa kale oo ay sheegeen inay ka soo horjeedda in dalka la kala qaybiyo waxaa uu yidhi Gudoomiyaha Goblka Saaxil Maxamuud Cali Haysate ”Waxaa maanta isugu soo baxnay inaynu taageero marka koowaad gooni isutaaga Somaliland oo muqadisa, waxa kale oo iyana aynu taageeraynaa Khudbadii Madaxweynaha Somaliland”.
Sidoo kale wuxuu reer Berbera ugu bushaareeyey in sanadkan loo soo iibinayo laba Mishiin oo kuwa laydhka ah oo Berbera loo keenayo si ay uga raystaan Laydh yaraanta haysatay wuxuuna yidhi”waxa kale oo aan reer Berbera ugu bushaaraynayaa laba mishiin oo ay sanadkan Cusub qorshihiisa xukumada Somaliland inoogu dartay waana tii dhibaatada weyni inaga haysatay dhinaca laydhka taas ku biyo caba”.
Waxa sidoo kale Isku soo bax la mida kaasi uu isna maanta ka dhacay magaaladda Gabiley ee gobolka Gabiley, waxaana halkaasi iskugu yimid dadweyne aad u badan oo taageerayey khudbadii madaxweynaha ee labadda gole u jeediyey, waxa kale oo ay sheegeen in ay taageersan yihiin madax banaanidda Somaliland iyo qaranimadaba.
Badhaasbka cusub ee Gobalka Gabilay iyo Meeyarka magaaladaba Gebilay ayaa iyaguna ka soo qaybgalay mudaharaadkaasi iyaga oo kala qayb-qaadanaayay dadkooda sida wadaninimada ah ee ay ugu garab joogaan qaranimada somaliland.
Sikastaba ha ahaatee Isku soo baxan ka dhacay magaalooyinka Gabiley iyo Berbera ayaa waxa uu noqonayaa isku soo baxii noociisa ah ee ka qabsooma magaalooyinka tan iyo intii xukuumada Silaanyo la soo doortay.
Source-cadceed
↧
Magaalooyinka Barbara Iyo Gabilay Oo Maanta Ay Ka Dhaceen Banaanbaxyo Nabdoon Oo Lagu Taageeraayay Khudbadii Madaxwenaha Somaliland
↧