Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Mahiga: Odayaasha dhaqanka yaysan caqabad ku noqon Dastuurka

$
0
0


Ambassador Mahiga
Muqdisho: (Sh. M. Network) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay de dejiyaan Ergada ansixinaysa Dastuurka. 
Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga oo maanta kullan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Muqdisho shirka ku leh ayaa waxa uu ka dalbaday inay soo de dejiyaan Ergada ansixinaysa Dastuurk. 
Mahiga ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inaysan carqalad ku noqon dhaqan gallinta Dastuurka, isagoo xusay in Beesha Caalamka ay ka wardhowrayso soo xullidda Odayaashaasi iyo ansixinta Dastuurka sida uu hadalka u dhigay. 
“Fadlan hala de dejiyo soo xulista Ergada ansixinaysa Dastuurka, Odayaasha waxaa laga doonayaa inaysan marna caqabad ku noqon Dastuurka” sidaasi waxa yiri Ambassador Mahiga. 
Maanta oo taariikhdu ay tahay 23/ka bishan July ayaa la filyay in Muqdisho uu ka dhaco kullanka ay Odayaaha dhaqanka Ergada ku horgeyn lahaayeen Madaxda Dowladda si ay unsixiyaan Dastuurka uu booqa ka taagan yahay ee la doonayo in loo sameeyo dalka Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>