Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta hadal u jeediyey odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka digay in Soomaaliya ay geli doonto ‘jahwareer dastuuri ah’ haddii 20-ka Agoosto la heli waayo dastuur cusub.
Raysul wasaare Gaas ayaa sheegay in waqtiga dawlada KMG ah uu ka harsan yahay 26-maalmood oo kaliya, isla markaana haddii la gaaro bisha Agoosto 20-keeda oo aan la helin dastuur cusub ay dhici doonto xaalad adag oo dalka soo wajihi doonta.
“Illaa hadda shirkii dastuuriga lama furin, wax ka yar 30 cisho ayaana u haray dawladii oo dhan marka waxaana na soo wajihi doona jahwareer dastuuri ah haddii aan la ansixin dastuurka cusub, taasi ayaana anagu marwalba ka digeynaa” ayuu yiri raysul wasaare Gaas.
C/weli Gaas wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in illaa hadda shirkii dastuuriga uu furmi la’ yahay isla markaana masuuliyada ay saaran tahay odayaasha dhaqanka.
Raysul wasaaruhu wuxuu codsaday in odayaasha dhaqanka ee beelaha ay iskla soo gudbiyaan liiska ergooyinka ee ay diyaariyeen si buu yiri shirki loo furo maalinta Arbacada ee 25-ka bisha July.
C/weli Gaas ayaa xusay in dastuurka cusub ee qabyada uu yahay mid shuruud u ah ka bixida waqtiga kumeel gaarka haddii la waayana aan la heli doonin dawlad rasmi ah oo dalku yeesho.
Dhanka kale wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo maanta hadal ka jeediyey kulanka odayaasha ayaa dhaliilo kulul u jeediyey odayaasha dhaqanka isagoo sheegay in odayaashu ku fashilmeen hawshii loo xilsaaray.
“Waxaan odayaasha isugu yeernay labo bilood iyo bar ka hor si ay noo siiyaan liiska 135 xubnood ee odayaasha dhaqanka iyo liiska ergada shirka dastuuriga, si DAACADNIMO ah haddii aan idinla hadlo odayaashu way ku fashilmeen hawshii loo xilsaaray.” ayuu yiri Mahiga.
Hadalada maanta raysul wasaaraha iyo wakiilka Qaramada Midoobay ay u jeediyeen odayaasha dhaqanka ayaa yimid kadib markii shirkii ansixinta dastuurka uu dib u dhacay markii saddexaad maanta.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Raysul Wasaare Gaas oo Ka Digay In Dalka uu Geli Doono ‘Jahwareer Dastuuri ah’
↧