Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Barakac kii ugu xooganaa oo ka taagan Baardheere

$
0
0

BARDHERE(GMN)-Barakac ayaa waxa uu ka danbeyey markii ciidamadda Kenya iyo Kuwa Dowladda ay gaareen meel si aad ah ugu dhaw Degmadda Baardheere.
Dad ku sugan Degmadda Baardheere ayaa Gedoonline u sheegay in dadka badankiisu halkaasi ay isga barakaceen.
Kareetooyin iyo baabur kuwa hoomayda ayaa lagu arkayaa wadooyinka Degmadda Baardheere kuwaas oo ka cararaya dagaal ka dhaca degmaddaasi.
Qoysas qaar ayaa wax ay  gaarayaan deegaanadda nabdoon ee gobbolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in barakacan uu yahay kii ugu xooganaa ee ay sameyaan dadka ku nool degmadda Baardheere.
Gedoonlinenews@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>