dhamaan waxaan halkan ka salamayaa shaqaalaha warbaahinta oo aan lee
yahay mudanayaal iyo marwooyin ramadaam kariim
mar labaad waxaan salamaayaa umada reer somaliland waxaan lee yahay
ilahay khayrkeeda iyo cibadadeeda haynasiiyo ramdaantan barakaysan
mar sadexaad waxaan salaamayaa dhamaan asxaabtayda qaali ah ee kala
jooga daaha dunida waxaana lee yahay ilahay caafimaad iyo cimri dheer
hayna siiyo inta koonkan la joogo kolay waa malmo yare aakhirana halka
loo bato ee khayrku ku jiro kuwii mara ilahay haynaga dhigo
aaaaaaaaaaamin
taariikhda aasaaskii magaalada ceerigaabo
intaa ka dib waxaan maanta wax yar oo kooban ka soo ururinayaa
taariikhda magaalo madaxda ceerigaabo ee gobolka sanaag iyadoo aanay dad
badan aqoon
u lahayn taariikhda ku duugan, weliba si aan u xusuusiyo dadka ka soo
jeeda ee u dhashay magaladaas qadiimiga ah iyo sida aanay u ogayn warna
uga hayn
Xarunta Magaala madaxda gobolka sanaag ceerigaabo, oo la aasaasay muddo
hada qarni laga joogo. Iyada oo lagu taariikheeyey markii udubka loo
taagay xiliyadii uu dagaalkii ingiriiska iyo Seyid Maxamed C/dulle
Xasan, taariikhdaa oo ku beegnayd 1900. Taas oo ahayd markii
daraawiishtu saldhigyada ka dhigatay aagaas, ahaydna markii ugu horaysay
ee ingriisku Africa kula dagaalamo diyaarado, iyada oo isla markaasna
diyaaradii lagaga soo riday meel 30km koonfurgalbeed kaga toosan
magaalada ceerigaabo mudadaas oo 21sano ka soo waadey oo ahayd 1921.
Ka hor intii aan aasaaska loo dhigin magaala madaxda Ceergaabo waxaa
bender u ahayd magaalo xeebeedyada, Maydh iyo xiis, gaar ahaan magaalada
Maydh oo ahayd meelihii ay ka soo farcantahay ilbaxnimada iyo dadyawga
manta ku dhaqan geeska Africa, ahaydna meelihii ay ka yimaadeen ajdaadda
ama awoowayaasha dadka degaanadaas ku dhaqan, magaalooyinkaas oo
layidhaahdo waxay jireen qarniyo fara badan.
Hadaba gobolka Sanaag oo ah mid ku caan ah taariikho wax ku ool ah,
raadad badana ay kaga tageen dadkii hore, haday dhismayaal tahay, sida
magaalooyin iska dhan oo duugmay taariikhihii hore, sida magaalada
Maduuna, iyo magaalooyin kale badan aadna arkaysid raadadka ay dadkaasi
kaga tageen, waxaa iyana ka mid ah (Geelweyte) oo ku taalla xeebta u
dhexaysa Maydh iyo Laasqoray, iyada oo la yidhaahdo Geelweyte wuxuu ahaa
boqor ka talinaayey casriyadaa la soo dhaafay, ayna magaalada hadda loo
yaqaan geelweyta u ahayd xarun iyada oo raadad la yaab lehi ay ka
muuqdaan, sida god aad u weyn oo guryo gudihiisu yihiin dhul aad ceelal
moodo, oo buur aad dhakadeed in diriil lagu dalooliyey moodaysid aad ku
arkaysid, iyo waxyaabo qaraa’ib ah sida xayawaano Masas aan dhulka kale
lagu arag,
Taariikhihii dadkii danbe kaga tageen waxaa ka mid ah: raadadkii uu
seyid Maxed kaga tegey, sida qalcadihiisii uu dhufeysyada ka dhigan
jirey, iyada oo ay ku yaab gelinayso, dadka dhisay dhismayaashaa. Aadna
odhanaysid waar ma reercaadkii la sheegay baa seyidku watey, waayo
dhagxaanta keliya baa 1ton ku dhodhoweyd.
Hadabba hadaynu dib u milicsano taariikhdii la aassaasay magaalada
Ceerigaabo iyada oo dadka reer Ceergaabo ahaayeen dad had iyo jeer
ilbaxnimadoodu sareysey, ahaana ku degaankoodu u badnaa magaalada Cadan,
ayna Cadani u ahayd bender. ayaa dawladii ingriisku hindistey in
Ceerigaabo in laga dhigo magaalo, taariikhdaas oo lagu asteeyo markii
Darwiish Maxamed C/dule Xasan la eryey, oo ilaa 1921 laga soo bolaabo
dhidibka loo taagey iyada oo ingriisku kala doortay ilaa sadex meelood,
Iyada oo la doortay meesha hada Ceerigaabo ka dhisan tahay.
Magaca Ceerigaabo wuxuu ka yimi: (Ceeri) oo ah isha ceelka (gaabo) oo
ah tii dhoweyd, aan fogeyn, yacni gaabnayd, ama ishii gaabnayd, ishii
dhoweyd. Kelmeda ceeri wuxuu yidhi ninkii geela u heesayey ( sow
codkaygii * ceerida ishiyo * ceelka kama garan)
Taas hadaan ku dhaafno magaca iyo taariikh-bilawgii magaalada hanada
waxaa ku soo khatimi doonaa, muuqaalo sawir oo muujinaya carshaantii ugu
horaysey ee magaaladu ka bilaabantay cariishkii ugu horeeyey inkasta oo
hada daar dhowaan loo rogey, iyo daartii ugu horaysey ee daar-ahaan loo
dhisay,
Hadaba cariishkii ugu horeeyey oo uu lahaa nin la odhan jiray: Cali
Aamus, oo ka mid ahaa madax dhaqameedyadii degaankaas, ayaa ka taagey
cariishkii ugu horeeyey,
Kaas oo aad sawirkiisa iyada oo daar loo bedeley aad arki doontid,
daartii ugu horaysey marka carshaanta laga yimaaddo waxaa lahaa ninkii
seyidka wastaadkiisa ahaa inan uu dhalay, oo la odhan jiray Ibraahim
Dhalamudhe, waa ninkii ku balweyn jirey markuu Seyid ka u dhisayo
daaraha Qalcadaha ahaa, ( Dhagaxa malxafsani madhfaca ma ceshee *
maandhow midka buuran ii keeney) iyadana waxa ku arkaysaa sawirsada la
socda qoraalka, iyada oo marxaladahaas oo martay ayaa waxa lays
weydiiyaa magaalada ceerigaabo ma haday ilbaxnimadeedu horayssaa mise
markii hore?
1950kii waxaa asbuucii kasta, laba jeer iman jirtey magaalada ceerigaabo
diyaarad cadan laga lahaa, waxay keeni jirtey alaanta bagaashka ah, iyo
dharka, iyo dadka baasanjarka ah, waxay qaadi jirtey fooxa maydiga iyo
hilib, hilibkaas lagu cuni jiray magaalada Cadan. Waxaa joogey baabuur
taxi- ah oo Folge-yaal la odhan jiray, saacad allaale saacadii aad safar
doonto Taxi-gaas baad qabsanaysaa, ama afar qof baad isku eeganaysa,
Maqaaxida caanka ku ah magaalada Ceergaabo ee shaaha aadka looga cabbo,
waa maqaaxida Qarni, waxay magaca ku qaadatay jaraa’id Masar ka soo bixi
jirey oo xornimada ka hadli jiray, ayay diyaaradu keeni jirtay oo laguna
iibin jiray.
Hadaba maanta oo la yidhaahdo dadku maanta ayuu ilbaxsan yahay, miyaa la
horu maray, mise dib baa loo dhacay?? Su,aashaa dadweynahaan u daayey.
Hada waxaa ku soo kordhay magaalada dabaqyo dhaadheer, iyo guryo
fillooyin ah,
Maxaase nasiib-darro noqotay dadkeedii baa noqday(isma’ og aqal kalay
aslaysaa ismana oga ) hadalkaa waxaan ugu jeedaa dadkii gobolka u
dhashay gobollo kale oo aan laga oqoon bay dhisayaan, oo maal gelinayaan
kay ku dhasheena way ka haajireen. Oo qaarkood waaba ka xanaaqayaan,
waayo ka wax u bartaa wuu ka tagaa! Uu ma Jahliguu ugu tegayaa! Kan
dhaqaale helaa wuu ka tagaa! Oo ma saboolnimuu uga tegayaa haduu
hantidii kala dtago! Kii madax noqdaa dib uma soo eego waana tuu
madaxnimada ku gaadhey, la,aantiina ma heleen.
Tacliintu ma habaysna, caadimaadka waad ogtihiin, adeegga bulshada ma
jiro sida biyaha, wadooyinka, dekedaha, waxaan ku soo geba gebaynayaa,
gobolka hadaan dhalintiisu u tashan, cid kale u talinmayso, waayeelkii
waxaad mooddaa inay manta jaamacadda qabyaaladda ay maclimiin ka yihiin,
oo ay saaccaddiiba boqolaal dhalinyaro ahi ka soo qalin jebinayso, ee
dhalineey ma tashanaa?? Waa intii xil dhibo
Waxaan ku soo gunaanadayaa, qiso dhacday waagii ay Soomalidu geela kala
dhici jirtay ayaa geel la dhacay nin ergo kaxaystay, isaga oo qoladii
geela ka dhacday geelii ka raacdaynaya, ninkii ergadii wuxuu la maqnaa
11bilood bil kasta nin buu soo dirayey, markii uu ergadii ka soo quustay
buu galabtii danbe soo noqday, wuxuu la kulmay nin ay deris ahaan
jireen, wuxuu ku yidhi: waar reerkii caynkaas ahaa ka waran, ninkiibaa
ugu jawaabey: waar ma Xuseen Isxaaq ninkii lagu sheegayaad tahay, adeer
maxaad iga weydiinaysaa reerkaa sawdigii tuuray, reerkaagii waa ba’ay oo
balanbalay, ee iga tag ha I weydiine, Xuseen wuxuu ugu jawaabey( Allah
doqoni maxay hawl yari qabtaa)
Markaa waxaan leeyahay ha noqonina dhalinta reer Sanaagey mid dantiisa
uu ergayada oo danta caamka ah tuura sida odaygaa yar ee adhigiisa yar
uun u qaatay, in masuuliyadi ka saran tahay ee xil ha idin dhibo, hana
noqonina kuwaa hawl yarida qaba, danta caamka ahna marka laga waramo la
yaaba, oo danseegnimo u arka.
xusuusin waxaan ugu danbayn idin xusuusin qoraalkan qaar kamida waxaa
hore u soo qoray nin weriye ah c/raxmaan xuseen farjar laakiin aniga
waxay iga tahay xusuusin aan xusuusinaayo dadka u dhashay ee aanmeesah
taariikhdeeda ahayn warna u ahayn waxaan lee yahay wadankiina waa idiin
baahan yahay maantana baahida ugu wayntaaal waxaan dhowaan soo gudbin
doonaa safaro badan oo aan ku tegay qaar ka mida qurbaha si aan xogta u
soo ogaado dadka u dhashay ceerigaabo ma siibada ka haysta wax qabadka
gobolkooda iyo kala daadsananta kaas oo aan ka soo sameeyey qoraal dad
magac ku leh ceerigaabo oo aan la kulmayna ay war bixino isiiyeen
waxaan idinku dhaafayaa kulan danbe iyo war bixinadaas
by ahmed yuusuf joofane
joofane1@hotmail.com
↧
taariikhda aasaaskii magaalada ceerigaabo iyo dadkii ku noolaan jiray waqtiyo tegay iyo waxay ahaan jirtay qarniyo ka hor, By: ahmed yuusuf joofane
↧