AFGOYE(GMN)-Hawlgallo ay sameyeen ciidamadda AMISOM ayaa u suurta gashay inay gacanta ku dhigeen rag dhac ka geysanayey duleedka Magaaladda Muqdisho.
Ilaa 7-ruux ayaa lagu soo waramayaa in ciidamadda AMISOM saaka ay gacanta ku dhigeen kuwaas oo dhac ka geysanayey inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Talaabadan ayaa waxaa si aad ah u soo dhawyey darawaliinta gadiidka ka dhex shaqa inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.
Inta u dhaxeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa maalmihii ugu danbeyey waxaa ka taagnaa dhibaatooyin ay geysanayaan kooxaha lebisan dharka Dowladda Soomaaliya.
Maamulka gobbolka Sh/Hoose ayaa dhawaan sheegay inay qaadi doonan talaabo kasta oo ay ugu hortagaan falalka ammaanka ka soo horjeeda
Waa Markii ugu horeysay oo ciidamadda AMISOM ay gacanta ku soo dhigaan dad deegaanka ceelasha Biyaha ka geysanayey dhaca dadka shacabka ah.
Gedoonlinenews@gmail.com
↧
Rag dhac geysnayey oo AMISOM soo qabatay
↧