Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Wasiirada Haweyn Iyo Arimaha Qoyska: Shirka Golaha Ansixinta Dastuurka Meel Wanaagsan Ayuu Marayaa (DAAWO SAWIRADA)

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Maryan Aweys Juma oo la hadashay warbaahinta RAXANREEB.COM ayaa waxay ka warbixisay halka uu marayo shirika golaha ansixinta Dastuurka Cusub ee Soomaaliya.
Wasiirada ayaa sheegtay in ergada golaha ansixinta dastuurka ay howshooda u marayso meel fiican isla markaana haatan ay dhexdooda ka doodayaan qodobada ku qoran dastuurka Soomaaliya.
“waa nasiib wanaag in mudo 21-sano ka dib ah ay dadka Soomaaliyeed fahmeen in ay rabaan dowladnimo lagana baxo KMGnimada oo aduunkii oo an aan kaga go’anay, haatana shir lagu qabto gudaha wadanka”ayay tiri Maryan Aweys Juma.
Sidoo kale waxay rajo wanaagsan ka muujisay in waqtigii loogu talagalay ay ergada golaha ansixinta dastuurka ay howshooda ku soo dhameestaan.
Maryan Aweys Juma ayaa waxay intaasi ay ku sii dartay in haatan laga hadlayo qoondada haweynka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin baarlamaanka cusub ee ah 30%, waxayana sheegtay in la xoojinayo arintaasi.
Waxay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay horay u waayeen xaqooda laakiin haatan aad loogu xoojinayo in tirade ay leyihiin ay helaan haweynka.
Shirka lagu ansixinayo Dastuurka cusub ayaa wuxuu galay maalintii Lixaad iyadoona waqtigii loogu talagalay in ergada ay go’aan kaga gaaraan dastuurka ay ka harsantahay oo kaliya mudo Sadax maalmood ah.



RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>