Tartan aad u adag oo qeyb ka ah barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan ay warbaahinta Qaranka u qabaneyso degmooyinka dalkeenna islamarkaana si fudud loogu kala hari waayey ayaa caawa dhexmaray tartamayaasha degmooyinka Beledxaawo VS Xamarweyne oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Banaadir.
Tartamayaasha labada degmo u tartamayey ayaa soo bandhigay tartan aad u qurux badan oo ay asluubi ku dheehantahay waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa barnaamijka sida caadada u ah xubinta isbarashada degmooyinka habeenkaas barnaamijka ku baratamaya iyo sidoo kale su’aashii ay abaalmarinnada ku bixin jirtay shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom oo iyadu barnaamijka sanadkan taabagelineysa.
Su’aallihii 14ka ahaa ee barnaamijka loogu talagalay waxaa labada degmo tartamayaashoodu noqdeen kuwo la yimaada natiijo barbardhac ah balse si lookala saaro waxaa gudigu ay ku dareen su’aallo dheeri ah oo u dhigma rigooreyaal ayadoo natiijada kama dambeysta ahna ay noqotay sidan:-
Beledxaawo
Guud ahaan su’aallaha la weydiiyey tartamayaasha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxey ahaayeen Sagaal su’aal waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Seddex ka mid ah, Lixna waa ay haleeli waayeen jawaabahooda, si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal taasi oo wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Beledxaawo ka dhigeysa Sideed Dhibcood.
Xamarweyne
Tartamayaasha degmada Xamarweyne iyana dhankooda waxaa la weydiiyey Sagaal su’aal waxaana ay si sax ah ay uga jawaabeen Shan ka mid ah, Afar Su’aalna jawaabahooda waa ay haleeli waayeen, si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen hal su’aal taasi oo wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Xamarweyne ka dhigeysa 12 Dhibcood oo ay ku adkaadeen.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartanka Ramadaan 30-Jully-2012 Beledxaawo VS Xamarweyne
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Ramadaan 30-Jully-2012 Beledxaawo VS Xamarweyne
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Tartanka Ramadaan 30-Jully-2012 Beledxaawo VS Xamarweyne
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Afaraad Ee Tartanka Ramadaan 30-Jully-2012 Beledxaawo VS Xamarweyne
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Tartan Lagu Kala Hari Waayey Oo Caawa Dhexmaray Degmooyinka Beledxaawo VS Xamarweyne “Dhageyso”
↧