Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo deeq gaarsiiyay caruurta ku jirta Xerada Qaxootiga Kaakuma (Sawirro)

$
0
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Ameerika ayaa kormeer ku tagay Xerada Qaxootiga ee Kaakuma, oo ka mid ah xerooyinka ugu waa weyn dalka Kenya, isagoo gaarsiiyay deeq kala duwan oo caruurta xeradaas ku jirta ugu dhiira gelinayay waxbarashadooda.
Danjire Ameeriko ayaa tagay Iskuul ay wax ku bartaan caruurta qaxootiga, isagoo mid mid ula kulmay, kana dhageystay wixii ay soo barteen, waxaana Danjiruhu uu gudoonsiiyay Arday walba buugaag, qalibaan iyo alaabo kale.
Waxaa uu sheegay in kormeerkiisa uu jawaab u ahaa codsi horay uga yimid waxgaradka iyo Maamulka Xerada oo ay ku codsadeen inuu xeradaas soo booqdo, isla markaana uu qaatay tallaabadaas si uu caruurta Soomaaliyed ee ku jirta Xeradaas ay waxabarasho wanaagsan u heli lahaayeen,

Danjiraha ayaa sheegay in caruurta deeqdii uu gaarsiiyay ay ku farxeen, isla markaana niyad ahaan ay ahaayeen kuwo aad ugu niyad samaa, waxaana uu cadeeyay in hada iyo wixii ka dambeeya uu ka war heyn doono caruurta ku jirta xeradaas ee waxbaraneysa.
Sidoo kale ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyed ee wax heysta inay caawiyaan walaalahooda qaxootig,a isagoo sidoo kalena baaq u diray hey’adaha gar gaarka inay sii wadaan howlahooda sama fal ee ku aadan dadka qaxootiga,
Waa markii u horeysay ee uu Safiir Ameeriko deeq uu gaarsiiyo Xerada Qaxootiga ee Kaakuma, iyadoo tani muujineyso sida Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya uga war heyso qaxootiga Soomaaliyed ee dhibaatooyinka xaga nolosha heysta.







Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles