Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Laba Wiil oo Soomaali ah oo Qirtay in shabab ay ka tirsan yihiin.

$
0
0

Labo wiil oo Somalia ah oo isla dhalatay oo waaxada sirdoonka dalka Ingiriiska ay ku xireen magaalada London bishii April ee sanadkan ayaa waxa ay qirteen inay ka tirsan yihiin xarakada al shabab islamarkaana ay lacago badan u soo direen dagaalyahanno ka tirsan al shabab oo Somalia.
Mohammed Shabir Ali iyo Mohammed Shafiq Ali oo 25sano jir ah ayaa sidoo kale waxa qirteen in xiriiro ay la sameeyeen Anwar cowlaqi oo ahaa sarkaal sare kana tirsanaa al qaacidda oo mareykanka sanadkii la soo dhaafay uu ku dilay dalka yemen.
Wargeyska the guardian ee ka soo baxa dalka ingiriiska oo soo xiganaya xubno ka tirsan sirdoonka dalkaasi ayaa ku waramaya in Mohammed Shabir Ali iyo Mohammed Shafiq Ali ka hor inta aan la qabanin ay abaabulayeen weeraro argigixisinimo ah oo laga fuliyo dalka ingiriiska sida uu leeyahay wargeyska .
Maalinnimada burrito ah ayaa lagu wadaa in la soo hor istaajiyo maxkamad ku taala magaalada London , waxana ay wajihi doonaan xukun gaaraya 14 sano oo xariga ah.
Dowladda ingiriiska ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday howlgallo ay ku soo qabqabatay dad ay ku jiraan soomaali kuwaas oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin waxa dowladaha reer galbeedku ay ugu yeeraan argigixisada.
Widhwidh Online News Desk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>