Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Muqdisho: Kadib Ansixinta Dastuurka, Dawlad Cusub oo Ku-Meel Gaar ah oo Loo Dhisayo Soomaaliya 20-ka Agoosto!!

$
0
0

Muqdisho (RBC) Sida looga dhawaaqay kulan galabta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah u bilaabanaya dawlad cusub oo KU MEELGAAR ah oo Soomaaliya loo dhisay bishan Agoosto 20-keeda.
Kulankan galabta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ayaa waxaa ka soo qeybgalay wakiilo ka socday Midowga Yurub, Midowga Afrika, xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay UNPOS iyo masuuliyiin ka socotay DKMG Soomaaliya.
Wakiilada ajnabiga ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada dawlada cusub ee dalku yeelanayo iyadoo shuruud lagu xiray qaabka ay doorashada u dhacdo haddii ay noqoto qaab furan oo aan mugdi ku jirin.
Wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo saraakiisha Midowga Afrika ayaa si isku mid ah u cadeeyay in nidaam ‘provisional’ oo ah ku meelgaar dastuur leh uu ka dhaqangeli doono Soomaaliya marka la gaaro 20-ka Agoosto.  Waxayna dawladan kumeel gaarka cusub jiri doontaa afarta sano ee soo socota.
Raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise oo gabagabadii kulanka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in kaalmo ay weydiisteen dawladaha deeqda bixiya loona ballanqaaday in la taageeri doono dhismaha hay’adaha dawlada.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo horey u maqlay dhameynta waqtiga kumeelgaarka ‘ending transition period’ oo shuruud looga dhigay amsixinta dastuurka cusub ayaa hadda la yaaban in dalka markale uu geli doono dawlad kumeel gaar ah oo socon doonta mudo afar sanadood oo soo socota.
MadaxdaDKMG ah ee hadda jooga ayaa wax badan dadweynaha u sheegay in kumeel gaarkii dalku ku jiray 11 sanadood uu ku eg yahay 20-ka Agoosto hase yeeshee wakiilada beesha caalamka ayaa maanta cadeeyay in kumeel hor leh la gelin doono Soomaaliya.  Waxayna tan HAL XIRAALE culus ku tahay masuuliyiinta DKMG ah ee hadda jooga ee iyaga sida bareerka ah u sheegay in kumeelgaarkii uu dhamaaday!!.
AKHRI WARBIXIN UU MAHIGA U SHEEGAY WARIYAAL AJNABI AH OO RAXANREEB AY QORTAY
 
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>