Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Gabay: ANIGU UDUB BAAN AHAA. By: Ismael Handule

$
0
0

image: 

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim.
S.C.W.R.W/B.
1-Waxaan tixdan ugu soo talagalay saaxiibada weli ku hadhay UDUB,
2-Dhamaanba dadku inay ka fiirsadaan cida ay codaynayaa.
3-Codka qofku waa masiirka ummada ee qofkast aa ha fiirsado xisbiga
uu u codaynayo, maantaa taladu gacanta ugu jirtaa.
1-Anigu UDUB  baan ahaa 
Ilamaa axdigii Cigaal,
Alloow naxariisaygii.
2-Albaabka siyaasadiyo,
Irrida laga soo galiyo,
Rag iyo arrinkii yaqiin.
3-Maxaa meel Aarr ka kacay,
Atoor ku ciyaarayaa,
Aduun iyo waayihii.
4-Anigaa isamkaw baxshoo,
Ogaadoo waxan ka tegey 
Hogaankii markuu anbaday.
 
5-Afkuu isba doog ku cunay,
Abaar ka daboolayoo,
Dareemo ma eeggo diin.
6-Afkaan ku ammaanay shalay,
Imika kuma caayi karo,
Asluubtaydaan ahayn.
7-Ilaaha bay gari taqaan,
In badan way soo qabteen,
Haddaan la abaal ka darin.
8-Amaan bay inoo sugeen,
Ilamaa awdal iyo taleex,
Ardaa qudha bay ahayd.
9-Adkayn dumuqraadinimo,
Waxaan afrikiba aqoon,
Iyagaa ummadeena baray.
10-Ilamaa xil-wareejintii,
Aduunkay nagu bartoo,
ammaan iyo sharf ka hele.
11-Intii ehelkeed ahayd,
Hadday is abaabulaan,
Iloobaan wixii dhexmaray.
12-Ololihii kol haddii la furay,
Asxaabtu aloosan tahay,
Maantaba arrin ila gudboon.
13-Arrligu wuu ku eegayaa,
Inaadeer ha jeclaysaniyo,
Afkaaga wax maalingala.
14-Ogoow ugub ma ah ,oo,
Anigaa kuu qaban intaas,
Dhamaan way odhanayaa.
15-Aqooniyo raac waxqabad,
Ishaa kuu macalinoo,
Amaanuu codkaagu yahy.
16-Allena wuu ku eegayaa,
Ayaanu noqon eebo warana,
Hadhow oofaa ku jarra.
Ismail Abdillahi Handuleh (Sanweyne)
Entebbe/Uganda
handule@un.org
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>