Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciyaartoyda Soomaaliya u mataleysa Tartamada Olympicada Adduunka oo maanta caalamka oo dhan laga daawan doono

$
0
0

image: 

Ciyaartoyda Soomaaliya u mataleysa Tartamada Olympicada Adduunka ayaa Jimcaha maanta ah la-tartami doona 14 dal oo iyagu si gaar ah ugu tartami doona tartanka ciyaaraha orodada ee Olympicada.
Maxamed Xasan ayaa wuxuu ka qeyb gali doonaa tartanka orodada ee 1,500 mitir ee ragga, iyadoo Zamzam Faarax ay iyana ka qeyb geli doonto tartanka orodada 4,00 mitir ee dumarka.
Orodada hablaha ee tartankaan ayaa waxay bilaaban doonaan saacadu Geeska Afrika marka ay ku beegan tahay 2:00 duhurnimo, waana maalin Ramadaan ah oo ay welibana ay Sooman tahay Zamzam.
Orodada ragga ee tartankaan ayaa waxay bilaaban doonaan saacadu Geeska Afrika marka ay tahay 10:00 caweysnimo, oo la-wada filaayo in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay wada daawan doonaan.
Ciyartoydeena Soomaaliyeed oo heesta taageerada shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay rajo xoog leh ay ka qabaan inay guulo ka soo hooyi doonaan Tartanka Orodada Olympicada Adduunka, oo Jimcaha maanta indhaha lagu wada haayo.
Maxamed Xasan iyo Zamzam Faarax waxaanu idin lee-nahay guusha Allaha idinku simo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>