Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo rasaas qasaaro geystay ku furay dad rayid ah, Afgooye

$
0
0

Afgooye (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo ku sugan degmada Afgooye ayaa galabta rasaas qasaaro geystay ku furay xubno ka tirsan guddiga gaadiidleyda degmadaasi. 
Inta la ogyahay 1-ruux ayaa ku geeriyooday 2-kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray, kaddib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Afgooge ee gobolka Sh/hoose ay raasaas ku fureen guddiga gaadiidleyda degmadaasi. 
Israsaaseyntan ayaa ka dambeysay sida la sheegay kaddib markii guddiga gaadiidleyda ay ka madax adeygeyn lacago ay ka aruuriyeen gaadiidleyda in ay u dhiibaan rag ku labisan dareyska Ciidamada dowladda KMG ah. 
Labada ruux ee dhawacantay ayaa loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. 
Xiriir aan la sameeynay Maamulka degmada Afgooye ee dowladda KMG Soomaaliya si aan waxbadan arrintan uga ogaano ayaysan noo suura galin. 
Wixii ku soo kordha kala soco Shabelle.net


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>