image:
Galkacyo/Hobyonet)Fariisin Cusub oo ay Ciidanka Pista puntland ka Samaysteen galbeedka Xaafada garsoor ee qaybta Maamulka Puntland ayaa Goor dhow lagu qaaday weerar waxaana la maqalayaa Dhawaqa rasaasta .
Weerarka oo dhacay daqiiqado kahor ayaan wali la ogayn qasaaraha ka dhashay balse dadka Deegaanka oo an la xiriirnay ayaa sheegay in Caawa Weer algu qaaday Fariisin cusub oo dhawaan ay soo dageen Ciidanka Pista sidookale lama oga cida weerarka qaaday waxaana aad mashquul u ah dhamaan telfoonada Saraakiisha Laamaha Amaanka Puntland waxaana la ogaan Karin sida xaqiiqada ah ee wax u dhaceen sababa la xariira Goobta weerarku ka dhacay oo cidanku xireen iyo waqtiga oo habeen ah balse warar hordhaca ayaa sheegaya in wali Rasaastu socoto laguna weeraray ilaa dhow Bombo gacmeed waxaana La xiray Dhamaan goobihii Ganacsi ee Ka agdhawaa
Wixii war dheeraad ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiinayna