Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Nin doonaayay in uu isku qarxiyo Magaalada Nairobi oo kiligiis uun ku dhintay qaraxa

$
0
0

image: 

Nin loo-maleynaayo in uu ka tirsan yahay Xoogaga Shabaab ayaa wuxuu qarax xoogan uu kula qarxay Magaalada Nairobi ee Xaruunta Wadanka Kenya, oo ay ammaankeeda si weyn u adkeysay Dowladda Kenya.
Ninkaan ayaa waxaa la-sheegay in uu doonaayay in uu isku qarxiyo Saldhigga Ciidamadda Cirka ee Dowladda Kenya (Moi Air Force), oo ku yaalla Xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin dadka Somaliyeed ee Nairobi ku sugan.
Qaraxa ayaa waxaa la-sheegay in ninkaan uu kula qarxay mar uu wax yar uu u jiray Saldhigga Moi Air Fore, isla-markaana waxaa la-sheegay in kiligiis uu ku dhintay, iyadoo ilaa 5 ruux oo kalana ay ku dhaawacmeyn.
Afhayeenka Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kenya Anthony Kibuchi Saxaafadda kula hadlay Magaada Nairobi, ayaa wuxuu sheegay inay hayaan cadeymo muujinaaya in ninka uu qaraxa kula qarxay uu doonaayay in uu isku miidaamiyo amaba uu isku dhex qarxiyo Xaruunta Moi Air Force.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay wadaan baaritaano badan oo amuurtaasi ku aadan, isagoo intaasi ku daray in wixii faah faahin ah oo ay ka helaan qaraxaan ay dib uga soo sheegi doonaan sida uu sheegay bahda Saxaafadda.
Anthony Kibuchi ayaa soo hadal-qaaday khasaaraha ka dhashay qaraxaan, wuxuuna sheegay in uu ku dhintay ninkii watay qaraxaan oo kaliya, ayna ku dhaawacmeyn ilaa 5 ruux oo kale, isagoo xusay in dhaawacyadu qaarkood ay aad u liitaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>