image:
Zamzam Billad Dahab ah Baan Kugu Siiyay Wadaniyadaada
Abdiqani Mohamed Ali
Hurfe77@gmail.com
Agoosto 4 2012
Ilaahay ayaa mahad iska leh nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato nabi maxamed.
Waxaan jeclahay inaan idinla wadaago dareen wadaniyadeed oo aan ka akhristay wajiga walaasheen Zamzam Maxamed Faarax Iguna dhaliyay inaan qalinka u qaato qoraalka qormadan . Dadka waxaan u jeclahay qofkii iiga sheekeeya qiimaha ay wadaniyadu leedahay , hadii aanay sheekadaasu milix ( cusbo ) lahayn.
Waxaan isku dayaa inaan maraq digaag ugu daro , hadii ay leedahayna waxaan ugu macaansadaa oo u dhadhansada sida malabka Kale.
Haddii aanay diin jirin, waddaniyadeey,
Daa’in ii caroonayn, waddaniyadeey,
Naarta dubuq i siinayn, waddaniyadeey,
Inta aan ku doortaan, waddaniyadeey,
Duhurkiyo allaylkii, waddaniyadeey,
Illaa waagu daalaco, waddaniyadeey,
Digrigaaga wadi-laha, waddaniyadeey.
Waxaana ka dhaga adaygaa sheekooyinka qabyaaladda iyo u kala sheekaynta dadka wada dhashay qofka ii sheekaynayaa Sheekadiisu haddii ay malab ka macaan tahay waxa igu qabata lalabo iyo matag. Waxana isku dayaa inaan mawduuca sheekada Dhan kale u rogo.
Hadaba yaanay ila tagine jacaylka wadaniyadeede aan u soo daadago dulucda qormadan Muddo aan yarayn aragaygu wuxuu u hilloobay ku il-doogsashada dalka iyo dadkayga oo caalamka ka muuqda , Waxaanse mar walba qalbiga ku hayay inaan maalin ku soo noqon doonno maqaamkii aan caalamka ku lahayn , Waxay ahayd habeen soomaalidoo dhan ay aad u wada sugayeen indhohooduna ay ku jeedeen magaalada London gaar ahaan Olympic Stadium Oo ay ka dhacaysay xafladii furitaanka , wxay gooraysadu soo siqdaba waxaa la gaaray xilligii , Waxaa billaabatay xafladii iyadoo la soo bandhigay xaflad sidii filimka loo jilay dad badan oo caalamka kala joogana Soo jiidatay balse anigu waxay ii ahayd mid aan wali billaaban waxaan maanka ku hayay kooxdii matalaysay qarankayga Waxaan aad ugu faraxsanaa inaan arko calankayga quruxda badan oo la soo hormariyo dadka fadhiya garoonka iyo malaayiiinta Ka daawanaysa daafaha caalamka , waxaa billaabmay waqtigi wadan kastaa uu soo marayay iyagoo wata calankooda.
Mar qura ayaan fadhiga ka kacay anoon is ogeyn markaan arkay calankayga oo ay wado Zamzam mohamed farah Waa ilbiriqsiyo qof walbaa dareemi karo dareen qiiro leh mid farxa ,mid ooya , iyo qof labadaba isku dara , Zamzam waxa ay kor u qaaday calankii la illaaway waxay caalamka tustay in wali ay noolyihiin muwaadiniin difaacaya qarankooda Waxay qiiro galisay oo dib boorka uga jaftay qalbiyo ingagay oo qalalay , waxay mar kaliya niyadooda isu soo jeedisay shacabka.
Soomaaliyeed oo dhan , wajigeeda waxaa ka muuqday kalsooni, dhagaheedu ma maqlayn sawaxanka yeeraya waxaa qalbigeedu U sheegayay in ay gacanta ku hayso sharaftii soomaaliya wax naxdin ah kama muuqan .
Waxaan dib ugu noqday fadhigaygii markaasaan is weydiiyay da’da Zamzam iyo wadaniyada ku jirta iyo dhalinyarada maanta joogta sidee U kala Dheeryihiin , Waydiin labaad baan isugu noqday markaasaan iri wadaniyadu ma mid lagu dhashaa mise waa mid iska yeel ah ? Jawaab deg deg ah baan naftaydii i siiyay markaaysay tiri waa mid loo dhasho .
Dib ayaan misna u jalleecay dareenkii qiirada wadaniyadeed ee ka muuqatay zamzam markaasaan hoosta ka xariiqay inay tahay wadani Dhab ah , waxaa suurta gal dad badan in ay is waydiiyaan macnaha wadaniyad , Wadaniyadeey maxaa tahay ?
( Waa dareen dal iyo dad jacayl oo qofka gudihiisa ku abuuran. Dareenkaasi wuu ka xeel dheer yahay xaflado la qabto iyo heeso Afka muggii laga yiraahdo . Waa shucuur iyo qiiro aad u qabto dalkaaga iyo deegaankaaga; waa damqasho iyo diirnax aad u Hayso dadkaaga iyo duunyadiisa. Waa wel wel iyo walaac ku soo food-saara markasta oo aayaha dalkaagu liito. Waa farxad iyo Rayn rayn ku saaqda markasta oo aad aragto dadkaagii oo nabad iyo barwaaqo ku naaloonaya. Waa dareen macaan oo ku Hilmaansiinaya dawga qodxaha leh ee aad dul socoto iyo duruufaha nololeed ee kugu xeeran. Wuxuuna kugu dhalinayaa adiga oo Aan ammaan iyo adduun midna rabin inaad maalkaaga, muruqaaga iyo maskaxdaada u hurto dadkaaga iyo dalkaaga. )
Hadaba soomaaliyeey intaas oo sifo miyaysan idiinka muuqan Zamzam ? Haa oo waa ay ka muuqataa mana aha wax la iska indha tiri karo tusaale yar hadaan idiin soo qaado.
Zamzam waxay marti ku ahayd barnaamijka maxay kula tahay ee ka baxa Universal Tv waxaa khadka soo galay Muwaadin soomaaliyeed oo u ballan qaaday Zamzam hadii ay ku guulaysato orodka in isaga uu siin doono lacag Lagu qiyaasay 12 kun oo dollar, wariyihii barnaamijka daadihinayay ridwaan ayaa Zamzam waydiiyay, Zamzam waxaa laguu ballan qaaday lacag badan amaa lacagta heli waysaa?
Waxay ku jawaabtay Zamzam: (Wallaahi horta taasi waa mid gooniya lacagtaas waxaa iiga qiima wayn calankayga oo aan ka dhex qaado 203 wadan oo calankayga ka kor muuqdo ayaa 12 kun iiga wayn, taasina waxay noqonaysaa farxad uu walalkey i sii farxad galinayo insha allaah, waan dadaali doonaa, lacagtaasina yacni ma aha mid kaliya aan u ordayo ee ah lacagtaasi hel waayo lacagta waxaa iiga wayn magaca iyo umada Soomaaliyeed iyo calanka aan huwanahay ayaa iiga wayn ).
Waa cadayn sax ah oo muujinaysa wadaniyadeeda waxayna qirtay inaysan ammaan iyo maal mid ku rabin sharafta Qarankeeda iyo calankeeda una hurto muruq iyo maskax dadkeeda iyo dalkeeda.
Waxaan is dhihi karaa Zamzam waxay xanbaarsantahay hammi weyn waxayna farriin cad gaarsiinaysa Soomaalidoo dhan Erayadani waxay ka tarjumayaan farriinta ay dirayso Zamzam
Nabad baan sahanshay
Colaaddaan ka selelaa
Xil midnimo anaa sida
SOOMAALI BAAN AHAY
Hadii aysan guulaysan Zamzam ilaahba kuma keenee waxaa guul u ah heerka ay maanta taagantahay iyo halkii Ay gaarsiisay calanka iyo magaca soomaaliyeed , iyo wadaniyadeeda soo jiidatay dad badan Aniguna waa mida aan kugu siiyay billada dahabka ah Waa hubaal in ay jiraan dad badan oo ila qaba aragtidaydan oo aamiinsan wadaniyada zamzam.
Ugu danbayn waxaan leeyahay Zamzam horay u soco waligaa waxaana kuu rajaynayaa guul.
Waxaana qormadan ku soo gabagabaynayaa heestii soomaali badan ka ilmaysiisay ee ay ku luuqaynaysay Zamzam:
Dhulkeygiyoow
Kii laygu dhalayoon
Ku dhaqaaq bartoow
Kaa dhoofi maayee
Dhankaloo qalaad
Ku han dhaafsan maayee
Inta aanan dhiman
Lay kaa dhex gelinee
Dhaar waxaan ku marayaa
Inaan kuu dhintaayoon
Kaa dhiciyo cadowgee!
Dhamac lagu shid waa
Kii kugu dhashee
Dheef shisheeye kaa jecel
Maanta waa dhabtiiyoo
Kaa dhoofi maayee
Waan dhamaystiraayaa
Inta aanan dhiman
Laykaa dhex galinee
Dhaar waxaan ku marayaa
Inaan kuu dhintaayoo
Kaa dhiciyo cadawgee.
FG : Wixii dhaliil iyo ammaan ah ee aad u haysid qormadan waxaad iigu soo diri kartaa Hurfe77@gmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM