image:
Waxan maanta innakoo weli ku jirna waxyaabaha Agab ahaan waqtiyadii hore la adeegsan jirey waxyaabahaas oo u kala baxa Raro ama Rarada, Dhiska ama waxyaabaha la dhsito oo aynu qormadeennii saddexaad kusoo marnay, waxannu weli qormadeennan afraad idiinku soo gudbinaynaa qayb kale oo ka mid ah waxyaabaha la isku yidhaahdo, Reeryada ama Heensaha, intii waqtigu innoo saamaxo waana sidan:-
Heensaha Fardaha:-
Koore: Oo Heensaha Fardaha guud ahaan la isku yidhaahdo.
Shalmad: oo ah shay yar oo Maas ah oo kooraha marka la fuulo qofku badhisa dhigo.
Wegerad: oo ah Suunka sida beelka loogu xidho faraska dushiisa iyo calooshiisa.
Xakamaha: oo ah shayga labada qawlal iyo afka faraska loo geliyo ee lagu maammulo oo
sababa in farasku Qunyar ordo ama si xawli dheer u ordo
Jaraha: oo ah suunka qoorta faraska ilaa xakamaha isugu xidhan, waana shayga sababa in
hadba dhinaca farasku u baydhayo lagu maammulo sida shukaanta baabuurka.
Sun-cayle: oo ah sun qaabka baydda oo kale faraska qoorta lagaga xidho.
Shakamad: oo ah sun qurux badan oo shaash leh oo faraska qoorta looga lulo (qurux ahaan).
Qoofalka: oo ah shayga dabarka looga dhigo marka aan faraska la doonayn inuu baxdado ama
Marka uu xilliga daaqa ku jiro ee la doonayo in dhowaan lasoo qabto.
Heensaha Awrta:-
Reeryo-jilic: oo ah qaybta ugu jilicsan reeryada ee ugu xigta jidhka awrka marka la rarayo
Awsaska: oo ah qaybta labaad ee awrka reeryada la saaro.
Qobtollka: oo ah qaybta saddexaad ee ugu adage e awrka ka xigaysa in aan alaabada
Dushiisa la saaray aanay jidhkiisa gaadhin ama nabarro ku samayn iyo damqasho.
Kabaallada: oo ah Udbaha loo taago alaabada awrka la saaray ee xadhkaha loogu xidho.
Xadhkaha Meerarka: oo ah garraarka qaybaha heeryadan aynu soo sheegnay isugu xidhan.
Caynka: oo ah suunka caloosha awrka kusoo xidhan ee kabaallada u sudhan ee dheelliga ka
Ilaalinaya wixii awrkan saran
Baydda: oo ah Suun surka awrka iyo kabaallada isugu xidhan oo ka ilaalinaya awrkan wixii
dushiisa saarani in ay xagga danbe uga siibtaan.
Daba-geliska: oo ah suunka awrka dabadiisa iyo kabaallada la isugu xidho ee ka ilaaliya wixii
Awrkan dushiisa saarani in ay hore uga siibtaan.
Surradda: oo ah alaaba si dherer ah la isku duubay oo labada dheeg awrka lagaga xidho oo
Dhammaan wixii kale ee awrkan alaabo la saarayona lasii kor-saari doono.
Loolka: oo ah dhigaha surradda labada dheeg lagu sii kor xidho oo labadooda madax si
xeedhaysan ama xoodan kor ugu taagan yihiin.
Lammada: oo ah saanta gibilka ah ee dhammaan alaabada awrka saran dusha sare kaga
daboolan ee ka ilaaliya in wax ka daataan ama dabayshuba gasho iwm.
Lasoco qaybaha danbe.
Halkan ka akhriso QAYBTII 3aad
Halkan ka akhriso QAYBTII 2aad
Halkan ka akhriso QAYBTII 1aad
Oodweynenews.com/Ceerigaabo Office
Email: gxdarwish@hotmail.com
Contact tell: 00 252 2 4475343-mobile.