Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Maxamed Farah oo jabiyay Cabirka orodka caalamka ee 10KM

$
0
0

KN:Orodyahanka kasoo jeeda Soomaaliya asal ahaan balse heysta dhalashada waddanka Ingriiska ayaa habeenkan caawa noqodey qofkii ugu horeeyey ee Ingriis ah ee jabiya cabirka orodka dheer isagoo si xawli ah ku dhaafay dhamaan raggii uu la tartamayay taasoo keentey in dhamaan halmar garoonkii isla kaco sawaxan iyo qaylo.
Maxamed Farax ku caanbaxay MO Farah ayaa caawa la galbaday billad dahab ah oo isagoo wareeggii ugu danbeeyey ka cag goostey orodyahanadii laga cabsi qabay ee kasocday dalka Kenya iyo Ethiopia oo aad u cabbanaa kuna mamay iney marwalba garoomada caalamiga ah kala tagaan bilado.
Soomaalida daafaha dunida joogta ahaa iyaguna dhankooda aad u daawanayay Maxamed Faarax iyo orodkiisa iyagoo si kal iyo laab ah u taageerayay kuna hanweynaa inuu Maxamed guuleysto. Maxamed ayaa tababar dheer usoo galay tan iyo caruurnimadiisii inuu maruun uu ku guuleysto tartanka caalamiga ah.
Waddanka Britain ayaa si aan caadi aheyn ugu dabaaldagaya guusha uu gaadhey Maxamed Faarax oo u noqoneysa guushii ugu horeysey ee qof udhashey jasiiraddaas uu gaadho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>