Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Sanaag:-Shir Xasaasi ah oo Kala Guurka Somaliya iyo Xildhibaanada Cusub looga hadlayo ayaa Furmaya

$
0
0

Waxaa la qaban doonaa shirweyne dhanka telfoonka ah (teleconference), kaasoo lagu martigaliyey dhamaan jaaliyada reer Maakhir ee ku nool dunida daafahiisi. Shirkaan ayaa lagu falanqayn doonaa islamarkaana la’isku waydaarsan doonaa arimo badan oo la xiriira marxaladaha dhawaan kasoo cusboonaaday dalka Somaliya.
Qodoboada looga hadlaayo ayaa waxaa kamid ah:
Diyaargarowga doorashooyinka August 20th.
Horumarka iyo mashaaricda kasocdo degaanada Maakhir.
Baarlamanka dhawaan lasoo magacaabi doono.
Amniga degaanka Maakhir iyo qodobo kale.
Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale warbixino looga dhagaysan doonaa isimada reer Maakhir oo kale ah:
Suldaan Maxamed Suldaan C/laahi Cartan.
Garaad C/laahi Cali Ciid.
Sidoo kale waxaa la filayaa in ay kasoo qaybgali doonaan siyaasiyiin oo kasoo jeedo degaanada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Gobolka Bari. Kasoo qaybgal wacan. Shirku waa Sunday 08/05/2012
11:00am Minneapolis Time
7:00pm Somalia time
5:00pm UK time


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>