image:
Nairobi (RBC) Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku soo biiray xulufada Raysul wasaare C/weli Gaas oo ka mid ah musharixiinta tartanka madaxtinimada Soomaaliya kadib markii maanta kulan albaabada u xiran yihiin ay ku wada yeesheen labada nin magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa Raxanreeb u sheegay in labada nin ay si weyn uga doodeen qaabka uu raysul wasaare Gaas ugu guuleysan karo ololaha doorashada madaxtinimada ee wadanka oo C/weli Gaas uu ku doonayo inuu ka qeybgalo 20-ka Agoosto. Waxaana taageeradiisa siiyey madaxweynaha Puntland oo sida la sheegay raba inuu ololaha Gaas meel maro.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale madaxweyne Faroole ku ballanqaaday in xildhibaanada cusub ee gobolada Puntland uga qeygali doona baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay codka siin doonaan C/weli Gaas maadaama uu loolan kula jiro laba nin oo kala ah madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan oo labaduba dhistay xulufo ku taageerta doorashada soo socota.
C/weli Gaas oo dhankiisa ku faraxsan taageerada madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale cabasho ka muujiyey in Labada Shariif ay loolad adag ku hayaan xulufadiisa isla markaana ay xiriiri geliyeen ololihiisa doorashada, wuxuuna soo dhoweeyay in xildhibaanada ka imaanaya gobolada Sool iyo Sanaag lagu soo daro kooxda isaga u codeyn doonta si taasi loo helana waxaa uu Madaxweyne Faroole ku tirtiriisay inuu ku adkeysto in xildhibaanada beelaha Sool iyo Sanaag la soo marsiiyo Madaxweynaha Puntland.
Fashilka kulankii saxiixayaasha
Kulanka labada nin wuxuu dhacay saacad kadib markii uu saaka burburay shir illaa xalay lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka uga socday magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya kaasoo madaxweyne Shariif saaka uu ka soo carooday.
Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa Raxanreeb u sheegay in shirka kooxdan ay lahaayeen lagu lafaguray arimaha doorashada iyo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo lixda nin ay si weyn isugu qabteen.
Wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif Axmed uu ka xanaaqay kadib markii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu soo jeediyey in xildhibaanada beesha Dhulbahante ee ka imaaneysa deegaanka Khaatumo State lagala tashado maamulka Garowe isla markaana aan la qori karin xildhibaanada ay keensadeen siyaasiyiinta reer Khaatumo taasoo Shariifku uu ka booday. Sheekh Shariif wuxuu taageero wanaagsan ka heystaa xildhibaanada reer Khaatumo ee la filayo inay baarlamaanka cusub galaan, waxaana xusid mudan in ergooyinkii ansixinta dastuurka iyo odayaal dhaqameedkii ku shiray Muqdisho ee qeybta Khaatumo aysan horey u soo marin Faroole.
Arintaasi waxaa ku xigay dalab kale oo ka soo yeeray Shariif Xasan oo ahaa in doorashada madaxweynaha la soo hormariyo kadibna tan afhayeenka baarlamaanka, arintaasoo Madaxweyne Shariif uu u arkay mid isaga loogu dan leeyahay uuna si weyn u diiday. Shariif Xasan ayaa dalabkaasi u keenay si uu u ciyaaro ciyaarta LABADA FARAS oo haddii uu tan madaxweynaha wax ka waayo si uu tan baarlamaanka uga qeybgalo!!!.
Sida ay ogaatay Raxanreeb saaka Waaberigii ayaa ka hor intuusan madaxweyne Shariif ka soo bixin shirka, wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo xubno ka socday IGAD waxay isku dayeen inay Sheekh Shariif ku qanciyaan inuusan shirka ka bixin hase yeeshee isku daygaasi wuu fashilmay ,waxaana saacado kadib Sheekh Shariif uu u soo duulay Muqdisho oo lagu soo dhoweeyay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi